Home Wararka Maanta Madaxweyne Cirro oo sheegay in Dowladda Federaalka ay qorsheynayso duulaan ku wajahan Somaliland

Madaxweyne Cirro oo sheegay in Dowladda Federaalka ay qorsheynayso duulaan ku wajahan Somaliland

by Laacib

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Dowladda Federaalka, ka dib booqashadii la sii qorsheeyay ee ay Jimcahan ku taggeen Magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Somaliland ayaa safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood ku tilmaamay daandaansi iyo fara-gelin qaawan oo ka dhan ah Somaliland.

Waxa uu ka digay in tallaabooyinka ay qaadeyso Dowladda Somaliya ay cawaaqib ku yeelan karaan nabadda iyo xasilloonida ee Gobolka Geeska Afrika.

“Dowladda Somaliya waxay alooseysaa (qorsheynaysaa) duulaan ay ku soo qaaddo Somaliland. Waxay dayuurado laga leeyahay dalka Turkiga laba dhigayaa ciidan iyo hub la keenayo Laascaanood.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxa uu Xasan sheegay in isaga iyo dowlado ay xulafo yihiin ku soo duulayaan Somaliland, si Somaliland ugu celiyaan inay Somaliya ka sii mid ahaato. Dowladaha uu Xasan ka sheekeeyay ee xulafada yihiin way soo bixi doonaan. Waxaan uga digayaa inaanay ka mid noqon fara-gelinta Somaliland iyo ka qayb noqoshada xasillooni darro ka dhalata Somaliland ama Geeska Afrika.”

Madaxweynaha oo farriin u diray Beesha Caalamka ayaa yiri “Waxaan u sheegayaa dowladaha aanu deriska nahay, dalalka Carbeed, kuwa Islaamka, Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika iyo dalalka Midowga Yurub in arrintaasi tahay daandaansi, fara-gelin qaawan oo aan geedna loogu soo gamban iyo duulaan cad.”

Madaxweyne Cirro ayaa ka digay “Waxaan ka digaynaa cawaaqib xumada ka dhalan karta falalkaas masuuliyad darrada ah ee Xukuumadda Somaliya ee Xasan Sheekh hoggaaminayo oo saamayn doonta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”

Cirro oo sii hadlayay ayaa yiri “Aniga iyo shacbigaygu, yar iyo weyn, rag iyo dumar waxaan diyaar u nahay, aniguna aan ku horgelayaa inaan dhiigayaga iyo naftayada ku difaacno dhulka Somaliland. Waxaan shacbigayga ugu baaqayaa inay u diyaargaroobaan difaaca qaranka. Waxaan hoosta ka xariiqayaa inaanay Somaliland cidna duulaan ku ahayn. Cid kasta oo duulaan ku soo qaadda Somaliland, waxaanu bari doonnaa casharo aanay weligood ilaawin.”

Cirro ayaa intaasi ku daray inaanay Somaliland ku duuli doonin Laascaanood, wuxuuna ka digay in Laascaanood ay noqoto meel Somaliland lagaga soo duulo.

“Anigu Laascaanood duulaan kuma ihi, waxaana ka digayaa inay Laascaanood noqoto meel lagaga soo duulo Somaliland.” Ayuu yiri Cirro.

Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu maanta isugu yeeray Goleyaasha Somaliland, isagoona warbixin ka siiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee ay Somaliland gashay, ka dib aqoonsigii Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc