Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee gobolkaasi, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay weerartay fariisimo ay ciidamadu ku leeyihiin afaafka hore ee deegaankaasi.

Deegaankan ayaa ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Warsheekh iyo deegaanka Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad, waxaana 22-kii bishii December bilaa dagaal kula wareegay Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhawaan fariisimo ka sameystay meel u dhow deegaankaasi, waana halka ay saaka Shabaabku ku soo qaadeen weerar ay qaraxyo ku bilowdeen.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal la isku soo noqnoqday oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay bilowgii u suurtagashay in ay soo riixaan ciidamada, laakiin markii dambe lagu khasbay in ay dib u gurtaan.

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay horu-socod sameeyeen, isla-markaana ay haatan ku dhow yihiin meeshii ay Axaddan Shabaabku weerarka ka soo qaadeen.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka ay si toos ah ugu lug leeyihiin Xoogaga Kumaandooska Danab, Gorgor iyo cutubyo ka tirsan Guutada 3aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada ayaa waxay u muuqdaan kuwo isku dayaya in ay si toos ah u soo afjaraan joogitaankii maleeshiyada Al Shabaab ee Jabad Godane, iyaga oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah.

Shabaabka ayaa bishii December soo galay deegaanada Jabad Godane, Shiikh-yaalo iyo Alanley oo hoostaga Degmada Warsheekh, si ay u kala jaraan waddada xeebta ee xiriirisa Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Muqdisho, taas oo aan weli u suurtagelin, ka dib markii ciidamadu ay ka hortaggeen in Shabaabku ay isku soo fidiyaan marinka istiraatiijiga ah ee xeebta.

Dagaalkan ayaa gaystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo labada dhinac ah, inkastoo aan la sheegi karin inta uu le’eg yahay khasaaraha dhabta ah.

Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka ay ku dishay askar fara-badan oo kuwa Militariga Somaliya ah, isla-markaana ay ka furatay gaadiid dagaal, hub iyo rasaas.

Hase yeeshee sawirro lala wadaagay Warbaahinta ayaa muujinaya meydadka ku dhawaad 10 nin oo Shabaabku ay uga carareen goobtii ay bilowgii soo weerareen.

Dowladda Federaalka ayaa la filayaa in ay ka warbixin doonto dagaalkan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc