Home Wararka Maanta Dowladda oo sheegtay in la jebiyay Shabaabkii soo weeraray fariisimaha ciidamada ee Jabad Godane

Dowladda oo sheegtay in la jebiyay Shabaabkii soo weeraray fariisimaha ciidamada ee Jabad Godane

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si weyn isaga caabiyeen maleeshiyadii Al Shabaab ee saakay soo weerartay fariisimaha ay ku leeyihiin deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay in ciidamadu ay fashiliyeen weerar ay Shabaabku ku soo qaadeen deegaankaasi, isla-markaana ay ciidamadu haatan si buuxda gacanta ugu hayaan Jabad Godane.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyay weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka, ka dib markii cadowga loo gaystay jab xoogan iyo khasaare badan.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay hadda wadaan hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo amni sugid, oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyadaasi.

“Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo intaasi ku daray “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan go’aankooda ah in ay sii wadaan hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, si loo sugo amniga, loona difaaco shacabka Soomaaliyeed.”

Shabaabka ayaa 22-kii bishii hore ee December qabsaday deegaanka Jabad Godane, inkastoo maalmo ka dib laga saaray qaybo ka mid ah deegaankaasi. Deegaankan lagu dagaalamay ayay labada dhinacba dhinacyadiisa ka joogeen.

Shabaabka ayaa maanta isku dayday in ay ciidamada ka saaraan goobaha ay ka haystaan deegaankaasi, taasoo ay ku fashilmeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc