Ciidamada Ciraaq ayaa si buuxda ula wareegay Saldhigga Ciidanka Cirka Ain Al Asad ee Gobolka Galbeedka Ciraaq ee Al-Anbar, ka dib markii Ciidamada Mareykanka ay Sabtidii isaga baxeen.
Militariga Mareykanka ayaa si rasmi ah u soo afjaray hawlgaladii uu isbahaysiga Mareykanka hoggaaminayay ee sanadaha badan lagu la dagaalamayay Ururka Daacish ee dalkaasi.
Wasaaradda Difaaca Ciraaq ayaa sheegtay in Militariga Ciraaq ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta saldhiggan.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Taliyaha Ciidamada Ciraaq, General Abdul Amir Rashid Yarallah uu isla Sabtidii kormeeray Ciidamada Qalabka Sida ee lagu wareejiyay maamulka saldhiggaas.
Ka bixitaanka Ciidamada Mareykanka ee saldhiggan ayaa ka dambeysay, ka dib markii labada dal ay sanadkii 2024 ku heshiiyeen in hawlgaladii isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ay ka wadeen dalka la soo afjaro bisha September ee 2025.
Inkasta oo Mareykanka uu waqtiga lagu heshiiyay ciidamadiisa uga la baxay saldhiggaasi, haddana waxay uga taggeen ciidamo kooban iyo la taliyeyaal militari, si looga taxadaro is bedelka ka dhacay dalka ay deriska yihiin ee Suuriya, ka dib markii la riday Dowladdii Madaxweyne Bashar Al Assad, haddii gobolka uu saldhiggan ku yaalo uu saaran yahay xuduudda Ciraaq iyo Suuriya.
Mareykanka ayaa haatan si dhameystiran ciidamadiisa uga la baxay Saldhigga Ain Al Asad, iyadoo la dhaqangelinayo heshiiskii labada dowladood ee lagu soo afjarayay joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalkaasi.