Home Wararka Caalamka Trump oo u muuqdo in uu hoos u dhigay xiisadda Bariga Dhexe

Trump oo u muuqdo in uu hoos u dhigay xiisadda Bariga Dhexe

by Laacib

Xiisaddii maalmahaanba ka jirtay Bariga Dhexe, una dhaxeysay Mareykanka iyo Iran ayaa hadda gobolka laga dareemaya in ay hoos u dhacday, sababtu tahay Mareykanka oo u muuqdo in uu ka laabtay go’aankoodii ahaa in ay tallaabo militari ka qaadi doonaan Dowladda Iran, inkastoo Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei uu Sabtidii weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo isna dib ugu jawaabay Khamenei.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii ku hanjabay in ay fara-gelin militari ku samayn doonaan Iran, haddii ay Tehran xukuno dil ah ku fuliso dibadbaxayaasha ay ciidamada amniga soo xireen, isla-markaana ay maxkamaduhu dilka ku xukumeen. Tehran ayaana xilligaasi si adag uga jawaabtay hanjabaadda Trump.

Hanjabaadda Trump iyo jawaabta Iran ayaa walaac amni ka abuurtay gobolka, taasoo keentay in dalalka qaarkood ay shaqaalahooda kala baxaan dalkaasi Iran.

Madaxweyne Trump oo gelinkii dambe ee Arbacadii Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo sheegay in Iran ay joojisay xukunadii dilka ahaa ee la qorsheeyay in lagu fuliyo dibadbaxayaasha.

Trump ayaa waxa kaloo uu Jimcihii sheegay in Dowladda Iran ay dhageysatay farriintiisii ahayd inaanan la dilin dadka la xukumay. Warka Trump ayaa loo fasirtay in Washington ay ka laabatay go’aankeedii ay ku weerari lahayd Iran.

Trump ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe, kuwaas oo si weyn uga horyimid in dalalkooda laga weeraro Iran.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Sacuudiga, Qatar iyo Turkiga oo kale ay Aqalka Cad uga diggeen cawaaqibka uu masiirka dalalkooda ku yeelan karo, haddii duulaan hawada ah lagu qaado Iran, iyaga oo daba jooga digniinta Tehran ee ku saabsan in aysan waxba xeerin doonin, oo hadda ay tahay in Trump la xakameeyo.

Wasiirka Difaaca Iran, Aziz Nasirzadeh ayaa ku goodiyay in haddii dalkiisa la soo weeraro ay bartilmaameed sharci ah noqon doonaan dhammaan Saldhigyada Militariga Mareykanka ee gobolka.

Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayay wararku sheegayaan in la faray in ay ka jawaabaan, haddii Mareykanka uu xadgudub bareer ah ku soo sameeyo madaxbannaanida dalkaasi. Wasiir Nasirzadeh ayaana ka digay in jawaabta qarankiisu ay noqon doonto mid ay dunida la yaabto.

Dalalka gobolka ayaa dersi ka bartay gantaalihii ay Iran bishii June ku harqisay gudaha Israel, intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ee labada dal. Iran ayaa waxay haysataa gantaalada guuxooda ka dheereeya, kuwaas oo garaaci kara Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee gobolka oo dhan.

Inkasta oo Trump ay horboodeysay Israel, si loo weeraro Iran ayaa waxaa haddana loo maleynaya in uu miisaamay natiijada ka dhalan karta, falcelinta ay Iran samayn doonto.

Mareykanka waa isbahaysiga ugu weyn ee caaamiga ah ee saldhigyada ugu badan ku leh Bariga Dhexe.

Trump oo lagu tilmaamo nin aad isu bedbedela, isla-markaana meel loogu soo hagaago aan lahayn ayaa waxaa suurtagal ah in uu soo cusbooneysiiyo go’aankiisa ah in Iran la weeraro.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc