Dowladda Federaalka ayaa shir isugu yeertay danleyda siyaasadda dalka, maalin ka hor muddada ay u qabteen Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland oo la magac-baxay Golaha Mustaqbalka Somaliya.
Golaha Mustaqbalka ayaa 20-kii bishii December Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu yeeray in uu muddo bil ah shir isugu yeero saamileyda siyaasadda, oo ka bilaabaneysa 20-ka December, kuna eg 20-ka bishan January oo Talaadada berrito ah ku beegan, si heshiis looga gaaro khilaafka hareeyay nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto sanadkan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shir ugu yeeray Golaha Mustaqbalka, iyadoo ay xukuumaddu ka duuleyso tala soo jeedin uga timid Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, iyadoo ka duuleysa talo soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxay casuumaad rasmi ah u fidineysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in iyadoo xukuumadda ay tixraaceyso qodobka 6aad ee warmurtiyeedkii Golaha Mustaqbalka ee 17 ka koobnaa ay ku dhawaaqeyso gogol wadatashi qaran, oo furmi doonta 1-da bisha soo socota ee February, kana qabsoomi doonta Magaalada Muqdisho.
“Sidoo kale xukuumaddu, iyadoo tixgelineysa dadaalada lagu xoojinayo midnimada ummadda iyo wadajirka dalka, taabagelinta dimoqraadiyad ku dhisan wadatashi iyo isu tanaasul, isla-markaana tixraaceysa qodobka 6aad ee baaqii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxay ku dhawaaqeysaa gogol wadatashi qaran oo furmi doonta 1-da Febraayo 2026, taas oo ka dhici doonta Magaalada Muqdisho.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Qodobka 6aad ee xukuumaddu soo hadal qaadday ee warmurtiyeedkii Golaha Mustaqbalka ay 20-kii bishii December soo saareen ayaa u qornaa “Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20-ka January 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii’da ku xusan qodobka 5aad.”
Qodobka 5aad isna wuxuu oranayay “Shirweynuhu wuxuu diyaar u yahay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo, sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, daahfuran, ka horumarsan doorashadii 2022, hufan, xoojineysa metelaadda deegaanada iyo sharciyadda Xildhibaanka, guddiga doorashaduna uu noqdo mid heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda.”
Haddaba, xukuumadda ayaa waxay sheegtay in ay qaban-qaabada shirka u xil saartay Guddi Wasiiro ah, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda & Dastuurka, Xasan Macalin Maxamuud, waxayna Golaha Mustaqbalka ugu baaqday in ay soo magacaabaan cidda dhankooda ugu xil saaran qaban-qaabada shirka, si ay u wada go’aamiyaan ajandayaasha shirka.
“Qaban-qaabada shirka waxa ay xukuumadda u xil saartay Guddi Wasiiro oo uu hormuud u yahay Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macalin Maxamuud Sheekh Cali, waxaya ugu baaqeysaa Golaha Mustaqbala Soomaaliyeed in ay soo magacaabaan cidda dhinacooda ugu xil saaran qaban-qaabada shirka, si la isu la sii lafa guro ajandayaasha, shirkuna u noqdo mid mira dhal ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay xukuumadda soo saartay.