Home Wararka Maanta Somaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis cusub oo dhinaca iskaashiga difaaca ah

Somaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis cusub oo dhinaca iskaashiga difaaca ah

by Laacib

Dowladaha Somaliya iyo Qatar ayaa Isniintan kala saxiixday heshiis cusub, oo ku qotoma dhinaca difaaca, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka militari iyo amni ee labada dal ay horey u lahaayeen.

Wasiirka Gaahaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi oo booqasho ku jooga dalkaasi Qatar ayaa Somaliya u saxiixay heshiiskan, halka dhinaca kalena uu u saxiixay Raysal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Difaaca Qatar, Sheikh Saoud bin Abdulrahman bin Hassan bin Ali Al Thani.

“Heshiiska iskaashiga difaaca ayaa diiradda saaraya tababarada ciidamada, is dhaafsiga khibradaha militari, horumarinta awoodda difaaca iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaalada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya.

Warka ayaa waxa kaloo lagu yiri “Saxiixa heshiiskan ayaa mar kale adkaynaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee Somaliya iyo Qatar, waxaana uu muujinayaa sida ay labada dal uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga iyo iskaashiga militari ee mustaqbalka.”

Heshiiskan ayaa la aaminsan yahay in uu bilow u yahay heshiis cusub, oo lagu wado in dhawaan ay Somaliya la saxiixato Dowladaha Sacuudiga iyo Masar.

Riyadh iyo Qaahira ayaa doonaya in ay horumariyaan xiriirka iskaashiga difaaca ee ay la leeyihiin Muqdisho, si Emirate-ka Carabta oo Israel ay gadaal ka taagan tahay looga fogeeyo xudunta marin biyoodka Badda Cas.

Sacuudiga iyo Masar ayaa ah labada dal ee cabir ahaan xuduuddda ugu dheer la leh Badda Cas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc