Home Wararka Maanta Sababta Shabaabku u yeeshaan gacan sareynta, marka ay xeryaha ciidamada weeraraan

Sababta Shabaabku u yeeshaan gacan sareynta, marka ay xeryaha ciidamada weeraraan

by Laacib

Weerarkii maanta ay Al Shabaab ku ekeysay Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose, wuxuu noqonaya kiisii labaad ee toddobaad gudihiis ama bilowga sanadkan ay argagixisadu ka gaysato dalka.

Axaddii, weerar sidaan oo kale u abaabulan, isla-markaana ay qaraxyo ku bilowdeen ayay mintidiinta Al Shabaab ku galeen xero ay ciidamadu ku leeyihiin deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Weerarada sidaan oo kale ah sanado badan ayay dalka ku soo laalaabanayeen, waxaase nasiib darro ah inaanan waxba laga baran weerar illaa weerar kale.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ay xadidan yihiin kulamada looga hadlo amaba lagu soo hadal qaado, sidii wax looga qaban lahaa weeraradan aadka looga walaaco ee waaberiga dilaaciisa lala sugo, waxaana wax lala yaabo ah in qaranku aanu wax qorshe ah ka lahayn, sidii weeraradaasi loo joojin lahaa.

Tan mar walba ciidamada looga faa’iideysto ayaa ah gaadiidka ay Shabaabku qaraxyada ka soo buuxiyaan ee ay weeraradooda ku bilaabaan. Dadka ku dhaawacmay iyo kuwa kale ee ka badbaaday qaraxyada waaweyn ee ay Shabaabku weeraradooda qorsheysan u adeegsadaan ayaa kuu sheegaya in mar kasta oo qaraxyada ceynkani oo kale ah ay dhacaan aanu qofku dhowr daqiiqo wax maqli karin, ayna adag tahay in uu wax arko, isla-markaana uu lumiyo awoodda kontoroolka jirkiisa, waana waxa Shabaabka u suurtagelinaysa in ay yeeshaan gacanta sare, kolka ay xeryaha ciidamada weeraraan.

Shabaabka ayaa dhallinyarada ay ku suuradda xumeynayaan xeryaha, waxa ay yihiin kuwii dalkan difaaciisa u taagnaa, iyagoona weerarada ka dib ku faana in ay dileen cadow fara-badan. Horjoogeyaasha Al Shabaab ayaa ku jees jeesa waalidiinta dhashay askarta, iyaga oo ku sheegaya in ay yihiin kuwo diintooda ka ridoobay oo gaalo ah.

Dowladda Soomaaliyeed iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa habboon in ay la yimaadaan istiraatiiiyad ka duwan tan haatan lagu difaaco xeryaha ay ciidamadu degan yihiin, si loo caymiyo dhiigga askarta ee daadanaya, dagaalka lagu la jiro argagixisadana uu hore ugu sii socdo, illaa afjarkiisa laga gaaro.

Madaxda Qaranka ayaa waxaa la gudboon in ay si dhow hoos ugu eegaan waxa ka jira xeryaha, si loo maareeyo weeraradan aan dhammaadka lahayn, loona xaqiijiyo guusha dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc