Home Wararka Maanta Lixda nin ee dilka ku xukuman ee reer Yaaq-bariweyne oo bishii 2aad baxsad ku dhameystay

Lixda nin ee dilka ku xukuman ee reer Yaaq-bariweyne oo bishii 2aad baxsad ku dhameystay

by Laacib

Laba bilood ayaa laga joogaa, markii maanta oo kale ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida xukunka dilka ah ku xukuntay lixda nin ee ka tirsan maleeshiyada ka soo jeedda deegaanka Yaaq-bariweyne ee Gobolka Shabellaha Hoose ee la xukumay iyaga oo maqaneyaal ah.

Maxkamadda Militariga ayaa 22-kii bishii November xukun dil ah ku xukuntay Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey), kuwaas oo maxkamaddu ay sheegtay inay ku heshay in ay ka masuul ahaayeen dil wadareed 11-kii bishaasi ka dhacay ceel biyood ku yaala deegaankaasi Yaaq-bariweyne.

Raggan ayaa waxaa lala xukumay dhowr nin oo kale oo ka soo jeeda deegaanka Dudumaaye oo hoostaga Degmada Wanlaweyn, ka dib markii maxkamaddu ay iyana ku heshay in ay bishii October dil wadareed ka gaysteen deegaanka Warta Cismaan oo isla Wanlaweyn ka tirsan.

Korneyl Cabdullaahi Abuukar Xasan (Shadoor) oo ka tirsan Garsooreyaasha Maxkamadda Militariga ayaa xilligaasi dhowr nin oo kale oo isla reer Dudumaaye ah ku xukumay dil toogasho, ka gadaal markii lagu helay in ay ka dambeeyeen falkii isaga oo nool lagu gubay ninkii odayga ahaa, dhimirkana ka xanuunsanaa ee lagu magacaabay Isxaaq Daa’uud Maxamed ee 7-dii bishii November ka dhacay Dudumaaye.

In yar oo ka mid ah mooyee, inta kale ee maleeshiyada reer Dudumaaye ee dilka lagu xukumay ayaa la xukumay iyaga oo gacanta sharciga ka maqan. Eedeyneyaasha ayaana kala ahaa Xasan Buule Isaaq, Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Abshir Cabdow Xasan, Maxamed Siid Cumar, Cumarey Iskow Maame, Abukar Daa’uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar, Yuusuf Abuukey Maame iyo Jamaal Maxamed Qaaddi.

Maxkamadda ayaa si gaar ah ugu xil saartay Taliyaha Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) iyo Taliska Saldhigga Booliska Degmada Wanlaweyn in ay nolol ama geeri ku keenaan dhammaan ragga la xukumay, oo ah laba maleeshiyo beeleed, laguna helay in dad ka soo kala jeeda Yaaq-bariweyne iyo Dudumaaye ay u dileen aano qabiil.

Ciidamada ayaa 12-kii bishan waxay hawlgal ay ka sameeyeen meel u dhow deegaanka Dudumaaye ku dileen Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), oo lagu sheegay ninkii hoggaaminayay maleeshiyada Dudumaaye ee dil wadareedka ka gaysatay deegaanka Warta Cismaan. Taliyaha Guutada 7aad ayaana sheegay in ninkaasi lala dlay laba nin oo kale oo xukunsaneyaal ahaa. Xukunsaneyaasha reer Dudumaaye waxay kuwa kale kaga duwan yihiin in qaarkood la hayo, qaarna la dilay iyo in baxsad ah, halka kuwa kale aan midna gacanta lagu hayn amaba aan la dilin.

Talaadadii, ciidamada ayaa weerar ku qaaday bannaanka deegaanka Yaaq-bariweyne, halkaas oo loogu sheegay in ay ku sugan yihiin lixda nin ee dilka ku xukuman ee deegaankaasi u dhashay.

Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku warantay in hawlgalkaasi lagu dilay saddex ka mid ah lixda nin ee dilka ku xukuman, kuwaas oo magacyadooda ay ku sheegtay Xuseen Maxamed Cabdulle, Maxamed Waddani iyo Shigshigow, inkastoo warkan ay Warbaahinta Dowladdu sheegtay aan wax xaqiiqo ah loo hayn.

Magacyadan ay Warbaahinta Dowladdu baahisay ee ragga la dilay midna kuma jiro kuwii la xukumay, marka aad eegto in lagu kala magacaabo Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey).

Bulshada ku dhaqan deegaanka Yaaq-bariweyne ayaa kuu sheegaya in ay la yaabeen warka ka baxay Warbaahinta Dowladda ee lagu sheegay in la dilay saddex ka mid ah lixdii nin ee la doon-doonayay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadu ay galabnimadii Talaadada dileen afar nin oo aan ka mid ahayn lixdaasi nin, balse ka mid ah maleeshiyada beesha ee ka tirsan kooxaha isbaaraleyda ee deegaanka. Ciidamada la faray inay raggaasi nolol ama geeri ku keenaan ayaa waxaa hawgalkooda qayb ka ah in ay isbaarooyinka ka sifeeyaan deegaanada hoostaga Degmada Wanlaweyn.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in raggaasi ay ku dhinteen iska horimaad dhex maray iyaga iyo ciidamada, xilli ay isku dayayeen in ay difaacaan lixda nin ee baadigoobka loogu jiro. Militariga iyo Booliska Degmada Wanlaweyn ayaana hawlgalkii Talaadada ka dib ku laabtay degmadaasi oo uu fadhigoodu yahay. Ciidamada ayaa hawlgalkan kaga dhintay, kagana dhaawacmay dhowr askari.

Saraakiisha sida dhow ula socda hawlgalkan waxay qirayaan in ciidamadu ay xujo ka haysato inay ka gungaaraan hadafka hawlgalkooda ku wajahan Yaaq-bariweyne, sababtu tahay in ragga ay doonayaan inay deegaankaasi ka soo xiraan ay gabaad ka haystaan maleeshiyaad ay isu heyb yihiin oo aad u hubeysan, taasna ay dheereynayso waqtiga hawlgalka.

Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee beesha maleeshiyadan ku metela Baarlamaanka Federaalka ayaa cambaareeyay hawlgalka ay ciidamada ka fuliyeen Yaaq-bariweyne, isagoona ciidamada ku eedeeyay inay weerarkaasi ku dileen dad aan waxba galabsan.

Xildhibaan Caanooy oo Arbacadii ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa ciidamada ka dalbaday in ay joojiyaan weerarada uu sheegay inay mar walbaba ku dilaan dadka reer Yaaq-bariweyne.

Korneyl Axmed Gaashaan, Taliyaha Guutada 7aad ayaan ka hadlin hawlgalkii ay Talaadadii ka fuliyeen duleedka Yaaq-bariweyne, wuxuuse marar badan oo hore uu wacad ku maray in ay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah xukunsaneyaasha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc