Madaxweynihii hore ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ee ka dhiidhiyay inay Al Shabaab sii haysato deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ciidamada ku amaanay inay guul muhiim ah ka keeneen hawlgalka sifaynta ah ee ay ka sameeyeen Kudhaa iyo nawaaxigeeda.
“Guushan waxa ay muujineysaa naf hurnimada iyo geesinimada Ciidamada Soomaaliyeed oo duruuf kasta u taagan difaaca iyo xoreynta dhulkeenna, ayna ka go’an tahay ciribtirka argagixisada duulaanka ku ah nolosha iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Farmaajo oo warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa xiriirka bulshada.
Farmaajo ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay inay xoojiso mudnaan-siinta iyo tayaynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan buu yiri ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
“Dowladda Federaalka Somaliya waxaan ku adkaynaynaa in ay xoojiso mudnaan-siinta iyo tayaynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka.” Ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa intaasi ku daray “Alle waxaan naxariistiisa Janno uga baryayaa halyeeyada u shahiiday guushan taariikhiga ah, samir iyo iimaanna u naga siiyo, waxaana bogsiimo degdeg ah u rajaynayaa ciidamada dhaawacyadu soo gaareen.”