Home Wararka Maanta Golaha Mustaqbalka oo laga sugayo jawaabtooda gogosha ay Dowladda Federaalka fidisay

Golaha Mustaqbalka oo laga sugayo jawaabtooda gogosha ay Dowladda Federaalka fidisay

by Laacib

Golaha Mustaqbalka Somaliya, oo ah gole ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa inay si togan uga jawaabi doonaan gogosha ay fidisay Dowladda Federaalka, si looga wada hadlo is mari-waaga ka taagan nooca doorashada ee ay tahay in dalka laga qabto sanadkan.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Isniintii casuumaad u diray danleyda siyaasadda, waxayna xukuumaddu ku dhawaaqday gogol wadatashi qaran, taas oo 1-da bisha February ka furmi doonta Magaalada Muqdisho.

Xukuumadda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay qaban-qaabada shirka u xil saartay Guddi Wasiiro ah, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka, Xasan Macalin Maxamuud Sheekh Cali, waxaana Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay soo magacaabaan cidda dhankooda ugu xil saaran qaban-qaabada shirka, si la isu la sii lafa guro ajandayaasha, shirkuna uu u noqdo mid mira dhala.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in Sabtida ama Axadda ay soo saaraan war ay ku sheegayaan in ay ka qaybgelayaan gogosha wadatashiga qaran ee taala Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa Arbacadii soo dhaweysay gogosha ay Dowladda Federaalka fidisay, waxayna riixeysaa wada hadal loo dhan yahay oo xal looga gaarayo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Wakiilada Qaramada Midoobey, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Ingiriiska ee Somaliya ayaa Nairobi kulamo kula leh Golaha Mustaqbalka, iyaga oo ku cadaadinaya in ay taggaan Muqdisho, si loo dhameeyo khilaafka hareeyay doorashada soo socota.

Beesha Caalamka ayaa Dowladda Federaalka iyo mucaaradkaba culeys ku saareysa in laga gudbo arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay.

Farriinta Beesha Caalamka ayaa ah in dalalka deeq-bixiyeyaasha aanay wax dhaqaale ah ku bixin doonin doorasho aan wadar ogol ahayn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc