Home Wararka Maanta Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta aaladda foggaan aragga ku shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo geba-gabadiisana qodobo laga soo saaray.

Shirkan ayaa ah shir ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waana shir aalaaba looga hadlo arrimaha masiiriga ee dalka. Shirka ayaa waxaa tan iyo bishii May ee sanadkii 2023 ka maqan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo aan shirkan soo xaadirin illaa bishii November ee sanadkii 2024.

Shirkan ayaa horey loo qorsheeyay in labadii biloodba mar la qabto, si la isugu la eego xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, ha yeeshee labadii sano ee u dambeysay shirka ayaan ku qabsoomin muddadii loo cayimay. Shirkii maanta ayaa waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka 1aad ee Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankoodan uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dadaalada Dowladda Federaalka ee adkeynta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somaliya, xaaladda abaaraha, la dagaalanka argagixisada iyo dardargelinta doorashooyinka qof iyo cod ee Golaha Deegaanka iyo Dowlad Goboleedyada, sida lagu sheegay war lagu daabacay bogga Villa Somalia.

Golaha ayaa geba-gabadii soo saaray lix qodob oo kala ah:-

1. Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Somaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ee ku aaddan ilaalinta iyo dhowrista gobanimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeenna.

2. Goluhu wuxuu bogaadiyay qabsoomiddii Doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir iyo waaya-aragnimadii laga dhaxlay, wuxuuna isla gartay dardargelinta Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanada ee Dowlad Goboleedyada.

3. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa ayidaada Golaha Mustaqabalka ee casuumadii gogosha wadatashiga Qaran ee ay ku baaqday Xukuumadda 1-da Febraayo 2026.

4. Goluhu wuxuu bogaadinayaa guulaha ay Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee Khawaarijta lala galay.

5. Goluhu wuxuu ku baaqay gurmadka xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka.

6. Ugu dambayn, Goluhu wuxuu ugu mahadcelinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada caalamka ee garab istaaga xaqa Somaliya ee ilaalinta gobanimada iyo midnimadeeda dhuleed, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc