Markabka dagaalka Mareykanka ee USS Abraham Lincoln ayaa u soo dhaqaaqay Gacanka Faaris ee u dhaxeeya Jasiiradda Carabta iyo Iran, iyadoo ay mar kale Gobolka Bariga Dhexe ka soo cusboonaatay xiisadda Mareykanka iyo Iran.
Markabka USS Abraham Lincoln waa markab dagaal oo weyn, kaas oo dushiisa ay ka haadaan amaba ka duulaan diyaaradaha dagaalka ee wax burburinta loo adeegsado.
Wararka ayaa sheegaya in markabkan uu qayb ka yahay tiro maraakiibta dagaalka Mareykanka oo toddobaadkii hore loo soo diray Bariga Dhexe.
Dadka gobolka ayaa isla dhex maraya in Mareykanka uu isku diyaarinayo duulaan hawada ah oo uu ku qaado Iran, ka dib duqayntii uu 22-kii bishii June ee sanadkii hore ka gaystay dalkaasi, intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ee Iran iyo Israel.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay in maraakiibtooda ay tagi doonaan Khaliijka, iyaga oo indhaha ku haya Iran.
“Waxaan daawanaynaa Iran, waxaana haysanaa awood weyn oo wejihi karta Iran.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump oo dhanka kale sheegay in laga yaabo inaysan awooddooda u adeegsan Iran.
“Waxaa laga yaabaa inaanan isticmaali doonin. Waxaan haysanaa maraakiib badan oo jihadaas u socda, waan arki doonnaa waxa dhaca.” Ayuu yiri Trump.
Trump ayaa bartamihii bishan hoos u dhigay xiisadda kala dhaxeysa Iran, ka gadaal markii uu sheegay In Iran ay joojisay xukunadii dilka ahaa ee la qorsheeyay in lagu fuliyo dibadbaxayaasha. Trump ayaa 13-kii bishan Iran uga digay in Mareykanka uu fara-gelin militari ku samayn doono, haddii ay Tehran xukuno dil ah ku fuliso dibadbaxayaasha ay ciidamada amniga soo xireen, isla-markaana ay maxkamaduhu dilka ku xukumeen.
Trump ayaa 16-kii bishan sheegay in Iran ay dhageysatay farriintiisii ahayd inaanan la dilin dadka la xukumay, markaas oo xiisadda Bariga Dhexe ay hoos u dhacday. Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa in Trump uu ku hanjabo in ay indhaha ku hayaan Iran.
Mar Trump la weydiiyay Khamiistii inuu doonayo in uu awood ku maquuniyo Hoggaamiyaha ugu sarreya ee Iran, Ali Khamenei ayaa sheegay inaanu dooneyn inuu sidaasi sameeyo, waxaase uu sheegay in Iran ay garaneyso, waxa ay Mareykanka rabaan, oo ah in dilka dadka laga baaqsado.
Markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln ayaa dhowr cisho ka hor si lama filaan ah u bedelay jihada uu ku socday oo Badda Koonfurta Shiinaha ah, isagoona u weeciyay dhanka Bariga Dhexe.
Maraakiibta Militariga Mareykanka ee loo soo dhaqaajiyay dhinaca Bariga Dhexe ayay wararku sheegayaan in lagu qalabeeyay nidaamka difaaca ee Aegis, kaas oo difaaca hawada maraakiibta, isla-markaana ka hortaga gantaalada ballaastikada, doomaha miineysan iyo khataraha kale ee dhanka hawada ah.