Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdo deegaanada qaar ee hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii 8-dii bishan lagu soo bandhigay Magaalada Matabaan ee gobolkaasi loo soo dhaqaajiyay dhinaca deegaanada Bukure iyo Teedaan oo hoostaga Maxaas.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan qaybtood ay ku hakadeen deegaanka Coomaad oo hoostaga Matabaan.
Ciidamadan oo boqolaal askari gaaraya ayaa isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley, iyadoona loo abaabulay in ay Al Shabaab ka saaraan Degmada Maxaas, ka hor inta aan cagta la saarin waddada aadda dhinaca Degmada Moqokori. Shabaabka ayaa bishii July dagaalo culus kula wareegay gacan ku haynta Moqokori iyo Maxaas.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in sababta loo weerarayo Shabaabka Maxaas ay tahay in la jaro isu socodkooda deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, iyadoo Maxaas ay saaran tahay xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ku hakaday deegaanka Coomaad ay ku wajahan yihiin deegaanka Goobo oo 15km jihada waqooyi uga beegan Maxaas.
Goobo ayaa ku taala waddada aadda Magaalada Guriceel. Shabaabka ayaana 4-tii bishii August bilaa dagaal kula wareegay deegaankaasi, ka dib markii ciidamadu ay uga baxeen jihada deegaanka Teedaan. Ciidamadii 27-kii bishii July ee dagaalka looga soo saaray Maxaas ayaa fariisimo ka sameystay Goobo, waxayna dib uga soo baxeen, markii ay culeys soo saareen Shabaabkii la wareegay Maxaas.
Goobo oo dhacda meel istiraatiiji ah ayaa waxaa indhaha ku haya ciidamada haatan ku sugan Coomaad, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay ku wajahan deegaankaasi. Goobo waa mid ka mid ah albaabada ugu muhiimsan ee laga galo Maxaas.
Dadka ku dhaqan deegaanka Goobo ayaa laga soo xigtay in Shabaabku ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan, si ay uga hortaggaan gulufka ku soo wajahan deegaankaasi.
Dhaqdhaqaaqan ka soo cusboonaaday Gobolka Hiiraan ayaa imanaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay hawlgalo ka wadaan gobolada dalka qaarkood.