Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa maanta booqasho ugu tegay Ciidanka Guutada 7aad ee Xoogga Dalka iyo Booliska Degmada Wanlaweyn ee wada hawlgalka lagu baadigoobayo xukunsaneyaasha baxsadka ah ee ka soo kala jeeda deegaanada Yaaq-bariweyne iyo Dudumaaye, sidoo kalena la dagaalamaya maleeshiyaadka beelaha ee isbaarooyinka soo dhigta deegaanada hoostaga Degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo uu wehlinayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiil uu ka mid ahaa Taliyaha Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan), iyagoona warbixin ka siiyay halka ay wax u marayaan.
Xoogaga Guutada 7aad ee Militariga Somaliya iyo Ciidanka Booliska Degmada Wanlaweyn ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ka haysta amar ah in ay nolol ama geeri ku keeni karaan dhowr iyo toban oo ka tirsan maleeshiyaadka beelaha ee Dudumaaye iyo Yaaq-bariweyne, ka dib markii maxkamaddu ay ku heshay in ay billihii October iyo November ay siyaabooyin kala duwan dad rayid ah ugu dileen deegaanada Warta Cismaan iyo Yaaq-bariweyne, kuwaas oo la xukumay iyaga oo maqaneyaal ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay ciidamadan fartay in ay isbaarooyinka ka sifeeyaan deegaanada hoostaga Wanlaweyn. Ciidamada ayaana 12-kii bishan hawlgal ku dilay saddex ka mid ah maleeshiyada la xukumay ee reer Dudumaaye, halkii intii kalena ay weli ku daba joogaan.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ciidamada ku bogaadiyay hawlgalka ay wadaan, isagoona ku booriyay in ay dardargeliyaan dadaaladooda ay amniga ku xaqiijinayaan.
“Runtii dalkan dowladnimaa ka burburtay, dowladnimada waxa burburiyayna waa qabiil, qof kastana waa ogyahay, haddii la rabo in dowladnimada la soo celiyana qabiilkaas dadka ku dhuumaaleysto, magaciisa wax ku haleeyo, ka dibna gadaal inta u laabto qabiilkii dhex galo, maalin uu baxo dad meel biyo ka dhaansanayo intuu u tago soo laayo, markii ha la raadiyo la yiraahdana, labaatan mudul gadaashood ku dhuunto, ka dibna oday, habar iyo dad kale uu soo diro ay yiraahdaan maxaa laga rabaa wiilkeennii? Mid kale oday iska socdo oo laamigan maraya luuqaas inta kala baxo halkaas ku soo dilo, meydkiisa gaari dameer soo saaro, yiraahdo bax dadkiisa u geeya, dadkaas oo aan laga ciribtirin wadankan wax hagaagayo ma leh. Shabaab xitaa waxaan u malaynaa kuwaanaa ka sii daran, ficiladooda markaad fiirisid ee naxariis darrada, qaab darrada, akhlaaq xumada, diin ku furashada iyo dhaqan Soomaali ka baxa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha oo ciidamada la hadlayay ayaa kula dardaarmay inay si adag ula dagaalamaan kooxaha dadka ku dhibaateeya bannaanada Degmada Wanlaweyn.
“Dadka halkan ka qaraabta, magaca qabiilka wato ee nooc walba leh oo maalinba shacab masaakiin ah meelahan ku soo dilo, oo haddana ku faanaayo oo leh dadkaygaa difaacayaa ama dadkaygaa u halgamayaa, lama aqbali karo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo ciidamada faray “Ciidamadii Amniga ee Qaranka Soomaaliyeed ee labadiisa heer ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba, maanta waad joogtaan fasax ayaad qabtaan. Dadkaas iyo Shabaab isku meel ayay joogaan, dowladdana isku meel ayay ka taagan yihiin.”
Ibraahim Aadan Cali, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa hoosta ka xariiqay inaanan la ogolaan doonin in kuwa dadka iska dilaya ay haddana gabaad ka helaan beelaha ay soo jeedaan.
“Qabiil annaga shaqo kuma lihin, ninkii qabiil leh isagaa yaqaano meeshii uu qabiilkaas la aadi lahaa, meeshuu rabana ha la aado. Annaga dowlad ayaan nahay, qabiilkeenna waa dowlad, shaqadeenuna waa daryeelka shacabka meeshaas joogo, badbaadinta ummadda Soomaaliyeed iyo inaan dalkan u shaqayno.” Ayuu yiri Gudoomiye Najax oo xusay inay u dhaarteen dalka iyo inay wax kasta ka hormariyaan danta guud.
“Waxaan rabnaa deegaankan amnigiisa oo dhan in la hoos keeno Ciidamada Amniga Soomaaliyeed, lagana saaro wax kasta oo is barbaryaac ah oo maalin walbaba magac cusub la baxayo oo oday xitaa waxba ka qaadi karin. Odayaasha meelaha wareego oo idiin yimaado waxba kama qaadi karaan, odaygaaba ka cabsanayo, markuu dowladda la fadhiyana wuxuu leeyahay shaqaan haayaa iyo dadkan wiilasheennii waaye, iridda xafiiska aad kula kulantay markuu ka dego, asagoo astagfuraleysanayo ayuu baxaa, kan adiga lee armuu ku dilaa ayuu is leeyahay macnaha, laakiin kor uma dhihi karo, wuu baqayaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.
Gudoomiyaha ayaa waxa kaloo uu yiri “Ninkan duurka ku jiro taliyihiisa runta ah waa qoriga garabkiisa ku jiro iyo rasaasta uu wato, taliye kale ma leh. Wuxuu rabo ayuu soo haleynayaa, wuuna soo laabanayaa, meel looga dacwoodo ma leh, maxkamadda haddii looga yeero wuxuu leeyahay maxkamadda laftigeeda maba aaminsanibo. Macnaheeda waxay ka dhigan tahay wadankan sharciba kama jiro, dowlad kama jirto, ciidan ma lahan waaye. Wax dowladnimo la sheegaba wadankan kama jiro waaye, haddii maxkamad la diiday, adiga maku ogol yahay ninkaas, sarkaal ahaan makuu aqoonsanayaa? Idiinma aqoonsanayo.”
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray “Meesha aad idinka oo ragga ah oo intaan le’eg joogtaan iyo kuwo kale oo hadda fara-badan ay joogaan, meel ay joogaan amni darro in laga soo sheego waa ceeb. Maanta ka dib masuuliyad waxay idiinka saaran tahay badqabka shacabka ku nool Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoos yimaado. Shabaabka ayaad ka xoreynaysaan, nimanka magaca qabiilka dadka ku dhibaateeyo ayaad ka xoreynaysaan. Nidaamka dowliga ilaali ninkii diidan oo dad masaakiin ah intuu meelahaas ku soo laayo, annaga dhexdeena gabaad kama dhigan karo, wixii hadda ka dambeeyo.”
