Al Shabaab ayaa sii xoojineysa difaaceeda hore ee deegaanka Goobo oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda reer Hiiraan ay ku wajahan yihiin degmadaasi.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in gurmad ay Al Shabaab ka keentay deegaanada Ceelgorof, Dac iyo Wabxo oo hoostaga Magaalada Ceelbuur ay gaysay deegaanka Goobo oo 15km dhanka waqooyi uga beegan Maxaas.
Al Shabaab oo Goobo la wareegtay 4-tii bishii August ayaa bannaankeeda ka sameysatay difaac ay ugu talagashay inay maleeshiyadeeda ka difaacaan Degmada Maxaas, oo sidoo kale ay qabsatay 27-kii bishii July.
Deegaanadan hoostaga Ceelbuur ayaa ah meesha ugu dhow ee Shabaabka Maxaas ay gurmadka ka heli karaan, marka loo eego in ay ka durugsan tahay Degmada Moqokori ee bariga Gobolka Hiiraan.
Ceelgorof iyo Dac oo kale waxay aad ugu dhow yihiin xuduudda Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, wax sidaasi ahna kama foga Degmada Maxaas.
Shabaabka ayaa dareensan in guluf weyn uu kaga soo wajahan yahay Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley, taasoo keeneysa inay u diyaargaroobaan difaaca Maxaas amaba inay xoojiyaan difaacooda Goobo.
Shabaabka ayaa Goobo ka difaacaya Maxaas, marka la joogo Gobolka Hiiraan, waana meesha keliya ee haatan laga soo hujuumi karo degmada gudaha gobolkaasi.
Shacabka ku dhaqan Goobo ayaa kuu sheegaya in ay ka walaacsan yihiin dhaqdhaqaaqyada ka soo kordhay gobolka, sababtu tahay cabsi ay ka qabaan in lagu dul dagaalamo.
Ciidamada ayaa dhaqdhaqaaq ka wada deegaanada Bukure iyo Teedaan oo hoostaga Degmada Maxaas, kuwaas oo ay tahay inay marka hore Al Shabaab ka saaraan degmadaasi iyo nawaaxigeeda, ka hor inta aysan bilaabin hawlgalka xiga ee lagu qabanayo Maxaas qudheeda.
Saraakiisha Militariga ayaa kuu sheegaya in Maxaas ka dib uu qorshahoodu yahay in la xoreeyo Degmada Moqokori, taas oo Shabaabku ay dagaal culus kula wareegeen 7-dii bishii July.