Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay guul taariikhi ah ka gaareen maleeshiyadii Al Shabaab ee dhawaan isku soo fidisay deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa sheegay in ka dib dagaal adag oo xiriir ah, isla-markaana socday in ka badan laba toddobaad lagu soo afjaray Shabaabkii gabaadka ka dhiganayay deegaanka Jabad Godane, isagoo xusay in dagaalka ay qayb ka ahaayeen saaxiibada caalamiga ah, isaga oo ula jeeda inay ciidamada ka taageerayeen hawlgalka hawada.
Wasiirka Gaashaandhiga oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muddadii uu dagaalku socday lagu dilay 120 illaa 150 xubnood oo Al Shabaab, wuxuuna intaasi ku daray in dagaalkii Isniintii shalay oo keliya lagu dilay 50 ka mid ah maleeshiyadaasi, oo ay ku jiraan buu yiri lix ka mid ah hoggaamiyeyaashoodii ugu waaweynaa ee dagaalka hoggaaminayay.
“Ilaahay fadligiis iyo geesinimada ciidankeenna dartood waxaa la burburiyay, lana ciribtiray kooxahaas argagixisada ah ee duulaanka soo qaaday, waxaana halkaasi lagu dilay muddadii labada toddobaad ahayd ee dagaalku socday tiro u dhaxeysa 120 illaa 150, ayadoo maanta oo keliya dagaalkii xalay bilowday illaa galabta casir liiqii socday lagu dilay 50 ka mid ah maleeshiyaadkaas, oo ay ku jiraan lix ka mid ah hoggaamiyeyaashoodii ugu waaweynaa ee dagaalka hoggaaminayay, halka in ka badan 200 oo kale oo kooxaha Khawaarijta ahna ay ku dhaawacmeen muddadii dagaalkaasi socday.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa tani ku tilmaamay dharbaaxo culus oo burburisay sida uu yiri qorshahoodii iyo riyooyinkoodii dhul fidsashada iyo weliba inay soo haweystaan inay qabsadaan dhul istiraatiiji ah.
“Tani waxay ahayd runtii dharbaaxo culus oo burburisay qorshahoodii iyo riyooyinkoodii dhul fidsashada iyo inay haweystaan inay qabsadaan dhulka deegaanadan istiraatiijiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaa raaciyay “Waxaa laga warqabaa in kooxahan ay ku faanayeen toddobaadyadii la soo dhaafay, si kibir ahna ay u sheeganayeen inay qabsan karaan deegaanka Jabad Godane, una sii gudbi karaan illaa xeebta Warsheekh.”
Wasiir Fiqi oo sii hadlayay ayaa yiri “Haddaba Ciidanka Xoogga iyo Dowladda Somaliya waxay si cad u yiraahdeen dalkani inuu leeyahay rag iyo gabdho dareyska u labistay si ay u difaacaan, dhulkaana waxaa ilaalinaya ciidan qaran oo leh caqiiddo difaac iyo midnimo, dowladdooduna ay garab taagan tahay.”
Wasiirka ayaa intaasi ku daray “Guusha maanta la gaaray maahan oo keliya mid militari, balse waxay farriin digniin ah u tahay oo loo dirayaa cid kasta oo ku fekereysa inay halis geliso amniga, midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo sidoo kale cid kastoo u riyaaqeysay, cid kastoo niyadda ka jecleyd iyo kuwo kastoo shirarkooda jaraa’id ku sheegan jiray in Al Shabaab dalka ay qabsanayaan, Ciidanka Somaliya-na aysan difaaci karin dalka. Cid kastoo sidaasi aaminsaneyd maanta waxaa u caddaatay si ka duwan taas.”
Fiqi ayaa ku hanjabay inaysan kooxaha argagixisada heli doonin goob nabdoon, isla-markaana uu dagaalku sii socon doono, illaa iyo inta laga ciribtirayo fekerka khalafsan ee Shabaabnimada.
“Meel ammaan ah uma jiri doonto kooxaha argagixisada ah. Fowdo, qaraxyo iyo dhibaato inay dalka Somaliya dib ugu celiyaan dhibaatadii la so maray, loo dulqaadan mayo, lamana joojin doono dagaalka, illaa gebi ahaanba laga ciribtiro fekerka guracan iyo kooxaha xambaaray ee aaminay.” Ayuu yiri Fiqi.
Fiqi ayaa tilmaamay in Talaadada maanta ah ay Warbaahinta u soo bandhigi doonaan meydadka xubnihii Al Shabaab ee lagu dilay dagaalka.
“Waxaan xaqiijinaynaa deegaanka Jabad Godane in laga xoreeyay kooxahaas, firxadkoodiina in ciidanku illaa Xawaadley duleedkeeda ay la sii marayaan.” Ayuu yiri Fiqi.
Fiqi ayaa u mahadceliyay saaxiibada caalamiga ah ee Somaliya ka taageera weerarada xagga cirka ah, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Mareykanka iyo Turkiga.