Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi oo sheegay in ku dhawaad 200 oo Shabaab ah lagu dilay Jasiiradda Kudhaa

Wasiir Fiqi oo sheegay in ku dhawaad 200 oo Shabaab ah lagu dilay Jasiiradda Kudhaa

by Laacib

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya ayaa sheegay in ku dhawaad laba boqol oo nin oo Al Shabaab ah lagu dilay dagaalkii dhawaan ka dhacay Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose iyo nawaaxigeedaba.

Wasiirka ayaa bogaadiyay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ee maleeshiyada Al Shabaab Khamiistii dib uga saaray Kudhaa oo hoostagta Degmada Badhaadhe.

“Runtii waxay u ahayd kooxaha Khawaarijta isbuucan isbuuc aad u adag, ayagoo halkaasi ku waayay in ka badan boqolkiiba toddobaatan (70%) intii ay ku soo weerareen. Laba boqol ku dhawaad kooxahoodii Khawaarijta ee deegaankaasi sida gardarrada ah ku weerartay, halkaas ayay ku waayeen, ciidankana illaa iyo ayagoo daba jooga gaadiidkoodii la burburiyay, waa tii la arkayay. Waxaan u hambalyaynayaa geesiyadaas.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaan leenahay Khawaarij meeluu joogaba, waa isku hal abtirsi, hal Khawaarij buu leeyahay, waxaana cadow u ah shacabka Soomaalyeed meelay joogaanba. Waxaa cadow u ah horumarka, deganaanshaha iyo dowladnimada.”

Wasiirka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in meel kasta oo lagu dilo xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada ay tahay guul u soo hooyatay ummadda Soomaaliyeed.

“Marka meel kastoo Khawaarij lagu dilo iyo meel kastoo lagu jebiyo, guul ummadda Soomaaliyeed u soo hooyatay weeye. Geesiyada Jubbaland iyo Ciidamadeenna Qarankuna aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaynaa, uguna bogaadinaynaa inay halkaasi ka sii wadaan. Cashar adag ayaa kooxahaasi halkaasi loogu dhigay, meel kasta iyo fagaare kasta oo la isku qabtana maalmahaan dambe kooxaha Khawaarijta jabkooda uun baa dhacayay, waxaana guuleysanayay Ciidamada Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.”

Wasiir Fiqi oo bogaadiyay ciidamada ayaa yir “Waxaan si weyn u bogaadinaynaa Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada iyo askarta geesiyaasha ah ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo mar kale caddeeyay inay yihiin gaashaanka iyo seefta ummadda Soomaaliyeed. Gaashaanka ummadda Soomaaliyeed difaaca iyo seefta cadowga goysa.”

Fiqi ayaa cod dheer ku sheegay inay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaan in hawlgalada lagu la dagaalamayo kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinaynaa in hawlgaladu ay sii socon doonaan, maalmaha argagixisadana ay noqon doonaan kuwo sii tirsamaya, guushuna ay naga xigto waqti kooban uun. Gacanta dowladdu way adag tahay, go’aankeedu ma ahan mid jilicsan, marka argagixisada lala hadlayo, guushuna waa tallaabo sugan oo loo qaaday dib u soo celinta amniga dalka iyo in lagu baahiyo haybadda dowladnimada guud ahaan geyiga Somaliya.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc