Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la filayaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, ka dib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay Khamiistii ka laabatay waarankii lagu soo xirayay ee ay soo saartay 27-kii bishii November ee sanadkii 2024.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu Muqdisho kaga qaybgalo shirka 1-da bisha February uga furmaya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Somaliya, oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland.
Golaha Mustaqbalka ayaa Sabtidii sheegay inay ka qaybgeli doonaan gogosha wadatashiga qaran ee Dowladda Federaalka ay dhigtay Muqdisho, si loo dhameeyo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.
Beesha Caalamka oo taageertay gogosha ay Dowladda Federaalka fidisay ayaa riixeysa in wada hadalada Muqdisho ay guuleystaan. Beesha Caalamka ayaa labada dhinac ku cadaadineysa in xal laga gaaro khilaafka ragaadiyay nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto sanadkan.
Dhanka kale wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka Ilaalada ee Madaxweynaha Jubbaland ay Sabtida iman doonaan Caasimadda Muqdisho.
Axmed Madoobe ayay wararku sheegayaan in Axadda uu soo gaari doono Muqdisho, haddii aanay waxba iska bedelin jadwalka safarkiisa.
Axmed Madoobe ayaan cagta soo dhigin Muqdisho, wixii ka dambeeyay bishii October ee sanadkii 2024, markaas oo isaga oo carreysan uu isaga baxay Shirka Golaha Mustaqbalka Qaran, oo Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ku lahaayeen magaalada.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe ayaa xilligaasi isku qabtay nooca doorasho ee dalka laga qabanayo iyo in la mideeyo Doorashooyinka Deegaanka, Baarlamaanka, tan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo inay doorashadu noqoto mid qof iyo cod ah.
Axmed Madoobe ayaa xilligaasi ku dooday in Jubbaland ay ku laabaneyso doorashadii dadbaneyd ee muddada dheer wax lagu soo dooranayay, maadaama Baaramaanka iyo Madaxtooyada Jubbaland uu waqtiga ka dhammaaday, isla-markaana ay xaq u leeyihiin in si gaar ah ay doorashadooda u maamushaan, waxayna Jubbaland sidoo kale diiday in maamulka doorashadeeda ay uga dambeyso Dowladda Federaalka.
Dowladda Federaalka ayuu qorshaheedu ahaa in doorashada dib loogu celiyo shacabka, si ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa, iyadoo markaasi la sameynayo hal guddi doorasho oo maamula Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba.
Axmed Madoobe ayaa 9-kii bishii November ee sanadkii 2024 magacaabay Guddiga Doorashada Jubbaland, waxaana isla bishaasi la qabtay Doorashada Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland iyo tan Madaxtooyada, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay markii saddexaad xilka madaxtinimada dib ugu soo doorteen Axmed Madoobe.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa si adag uga horyimid dib u doorashada Axmed Madoobe, waxayna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ay Axmed Madoobe ugu yeereen hoggaamiye hore.