Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa ka carooday tallaabada Dowladda Federaalka ay hawada uga soo celisay diyaaraddii ay la socdeen ilaaladiisa ee ku wajahnaa Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in diyaaradda ay la socdeen ilaaladiisa iyo Howlwadeennada Madaxtooyada Puntland, isaga oo sheegay inay horudhac u ahaayeen wafdigiisa Muqdisho kaga qaybgelaya shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqalka Soomaaliyeed ee xalka loogu raadinayo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.
“Ciidamadii horudhac ahaa ee wafdiga Dowladda Puntland iyo Howlwadeennadii Madaxtooyada oo maanta safar u galay ayaa iyagoo dhex maraya hawada, diyaaraddii laga soo celiyay. Waxaa dhacday masuuliyad darro.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay sameysay fal dembiyeed iyo isku day dil, isagoo u sababeynaya inaanan lagu sii talagelin shidaalkii ay diyaaradda dib ugu laaban lahayd meeshii ay ka timid.
“Inta badan diyaaraduhu waxaad ogtihiin shidaalka meesha ay tagayaan ayay ka soo qaataan, marka labaad ay soo noqonayaan. Diyaaraddii oo hawada mareysaa dib loo soo celiyay, waa fal dembiyeed iyo isku day dil. Waa laga xisaabtami doonnaa waqti.” Ayuu yiri Deni oo hadalkan ka sheegay munaasabad uu tababar ugu soo xirayay ciidamo boolis ah oo uu kaga qaybgalay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble ee Magaalada Qardho.
Deni oo sii hadlayay ayaa yiri “Inaan Somaliya xaaladdeeda ka hadalno oo meel walba u tagno, uga baaqsan mayno cabsi gelin. Waxaan idiin sheegayaa Puntland iyo dadkeedu mar dhow ayay wararkaas iyo wixii naga gudboon ka soo sheegi doonnaa, laakiin intaan waa horudhac.”
Deni ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku dhalleeceeyay inay maalin walbaba sameynayaan ficilo uu sheegay aan dadka Soomaaliyeed farxadgelineynin.
