Home Dhacdooyin Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo dedejisay xukunka nin lagu helay inuu dilay nin dhakhtar ahaa

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo dedejisay xukunka nin lagu helay inuu dilay nin dhakhtar ahaa

by Laacib

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa Ramadaan Maxamed Xirsi ku xukuntay inuu biyo magta ama diyada ee Dr. Aadan Cabdi Bashiir, oo ay maxkamaddu ku heshay inuu ku dilay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Maxkamadda ayaa Sabtidii Degmada Dhoobley ka bilowday dhageysiga kiiska uu eedeysanaha ka yahay Ramadaan Maxamed Xirsi, ka dib markii Xafiiska Xeer Ilaalinta uu ku soo oogay dacwad ah inuu 13-kii bishii October ee sanadkii 2023 uu dil u gaystay marxuum Dr. Aadan Cabdi Bashiir. Maxkamadda ayaa isla shalay ku soo geba-gabeysay dhageysiga dacwad ciqaabeedkii loo haystay ninkaasi.

Maxkamadda ayaa Axadda maanta ah go’aan ka gaartay kiiskan, iyadoona ninkaasi ku xukuntay in uu bixiyo boqol halaad oo geela, oo ah magta marxuumka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland, Korneyl Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim (Faaqid), oo ay wehliyaan Garsooreyaasha kala ah Bashiir Maxamuud Xareed (Qam-dhariiran) iyo Cumar Maxamed Cabdi (Timoweyne) ayaa riday xukunkan.

Gudoomiyaha Maxkamadda iyo Labadiisa Kuxigeen ayaa xukunka ku saleeyay rabitaanka iyo is afgarad ay gaareen labada qoys.

Gudoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed (Qam-dhariiran) ayaa ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda.

Garsoorka Maxkamadda ayaa si dhakhsa ah go’aan uga gaaray kiiska ninka, ka dib markii ay ku qanceen caddeymaha, qiraalka eedeysanaha iyo heshiiska labada qoys, inkastoo baaritaanka kiiskan uu in muddo ahba soo socday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc