Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay Israel oo furtay Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza

Wararkii ugu dambeeyay Israel oo furtay Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza

by Laacib

Militariga Israel ayaa maanta dib u furay Isgoyska Rafah ee ku yaala xuduudda Marinka Gaza iyo Masar, oo ay la wareegeen bishii May ee sanadkii 2024.

Israel ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay dib u furi doonto isgoyskan, oo ah meesha keliya ee u furneyd dadka reer Gaza, marka ay dibadda u baxayaan.

Ciidamada Israel ayaa 7-dii bishii May ee sanadkaasi hawlgal ballaaran oo dhinaca dhulka ah ku qabsaday Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza, markaas oo dadka reer Gaza ay geliyeen go’doomin dhameystiran, marka aad eegto in marinkii ugu dambeeyay ee dhulka ah ay xilligaasi ka soo xireen.

Hay’adda Militariga Israel U Qaabilsan Isku Xirka Gargaarka Gaza ee COGAT ayaa sheegtay in iyadoo qayb ahaan la fulinayo heshiiska xabad joojinta Gaza in dib loo furay Isgoyska Rafah, hab xadidan oo reer Gaza ay isugu socon karaan.

Isniinta ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u bilaaban doono dhaqdhaqaaqa dadka Gaza ee isgoyskan.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaalada uu Mareykanka riixayo ee in loo gudbo wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo Xamaas ay gaareen bishii October. Hay’adda COGAT ayaan sheegin wax qorshe ah oo Israel ku ogolaaneyso in la kordhiyo gargaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Gaza.

Dib u furitaanka isgoyskan ayaa muhiim u ah in caafimaad dibadda ah loo qaado dadka ay xaaladdoodu liidato ee muddada labada sano ku go’doonsanaa Marinka Gaza. Waxaa jira illaa 20,000 oo qof oo xaaladdooda aan waxba looga qaban karin gudaha Gaza oo u baahan daryeel dibadda ah.

Dadkan ayaa isugu jira Falastiiniyiintii sida xun ugu dhaawacmay duulaanka Israel ee Gaza iyo dadka kale ee bukaan la yaalka ama bukaan la socodka ah.

Ciidamada Israel ayaa tobanaan kun oo ku dhaawacmay dagaalka, isla-markaana xaaladdooda waxba looga qaban waayay gudaha Gaza ka horjoogsaday in dibadda loo qaado.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in 50 bukaan la ogolaan doono inay maalin kasta ka baxaan Marinka Gaza, illaa 50 kalena la ogolaan doono inay galaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc