Home Wararka Maanta Hodan Maxamuud Diiriye oo saaka lagu tooganayo fagaare ku yaala Gaalkacyo

Hodan Maxamuud Diiriye oo saaka lagu tooganayo fagaare ku yaala Gaalkacyo

by Laacib

Hodan Maxamuud Diiriye ayaa lagu wadaa in Talaadadan lagu toogto Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ka dib markii Maxkamadda Sare Puntland ay muddeysay in xukunka dilka ah lagu fuliyo maanta oo taariikhdu tahay 3-da bisha February ee sanadka 2026.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo, qaybta Puntland ayaa 24-kii bishii November xukun dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud oo 34 jir ah, ka dib markii ay ku heshay in ay dishay Saabiriin Saylaan Cabdille oo 14 jir ahayd. Gabadhan da’yarta ahayd ayaa 12-kii bishaasi u geeriyootay jirdil la sheegay inay Hodan Maxamuud u gaysatay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland, Axmed Sheekh Cumar Xasan ayaa Axaddii bixiyay amarka lagu fulinayo xukunka dilka toogashada ah, ka dib warqad sumadeedu tahay XIG/DPS/111/2025, kuna taariikheysan 18-kii bishii December 2025, oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland, Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) uu ku codsanayay inay maxkamaddu muddeyso fulinta xukunka dilka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in Hodan Maxamuud aysan wax rafcaan ah ka qaadan xukunka, wuxuuna sidaasi daraadeed faray in loo dhaqaaqo fulinta xukunka.

“Goobta fulinta toogashada waa Magaalada Gaalkacyo: (halkii horey loogu toogan jiray gacan ku dhiigleyaasha xukuman). Waxaa fulinaya dilka toogashada ah dhaxlayaasha marxuumadda.” Ayaa lagu yiri warqadda uu Gudoomiyuhu soo saaray.

Dilkan lagu helay inay Hodan Maxamuud u gaysatay Saabiriin Saylaan oo uu awoowe u ahaa saygeeda, isla-markaana gurigeeda ku nooleed ayaa carro baahsan ka dhalisay Gaalkacyo, ka dib markii ay dadku daawadeen muuqaalo bulshada lala wadaagay, isla-markaana ay ka soo muuqatay Hodan oo si xun u ciqaabeysa gabadhaasi oo labadeeda waalid ay kol hore dhinteen.

Maxkamadda ayaa haweeneydan la xukuntay saygeeda Cabdicasiis Nuur Xaashi, kaasoo lagu xukumay hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan shan boqol oo lacagta Mareykanka ah ($500), ka dib markii ay maxkamaddu ku heshay in uu dayacaad sameeyay, oo ah inaanu ka taxadarin gabadha gurigiisa kula nooleed.

Haweeneydan ayaa ahayd hooyo korineysay 13 carruur ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc