Home Wararka Maanta Puntland oo tiirka toogashada ku hubsatay Hodan Maxamuud, ka dibna toogatay

Puntland oo tiirka toogashada ku hubsatay Hodan Maxamuud, ka dibna toogatay

by Laacib

Waxaa saaka Fagaaraha Caska ee duleedka Magaalada Gaalkacyo lagu toogtay Hodan Maxamuud Diiriye, oo ah haweeneydii lagu helay in ay sida naxariis darrada ah u dishay Saabiriin Saylaan Cabdille oo 14 jir ahayd.

Haweeneydan oo 34 jir ahayd ayaa bishii November laba jeer ka soo muuqatay Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo, qaybta Puntland, oo 24-kii bishaasi ku xukuntay dil toogasho oo qiyaasta gabadhii ay dishay ah.

Saraakiisha Ciidamada Amniga, Maamulka Gobolka Mudug ee qaybta Puntland, qoyskeeda, Ururka Haweenka Gobolka Mudug iyo dadweyne kale ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha lagu qisaasay haweeneydaasi, oo ahayd hooyada 13 carruur ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland, Axmed Sheekh Cumar Xasan ayaa Axaddii amray in maanta oo Talaado ah Hodan Maxamuud lagu toogto tiirka toogashada ee Magaalada Gaalkacyo.

Haweeneydan ayaa tan iyo markii gacanta lagu soo dhigay, oo ah 12-kii bishii November, saacado ka dib geeridii Saabiriin Saylaan ku xirneyd Xabsiga Dhexe ee waqooyiga Gaalkacyo.

Odayaasha Dhaqanka qaarkood ayaa si weyn ugu ololeeyay in Hodan Maxamuud laga badbaadiyo tiirka toogashada, taasoo ay ku guuldareysteen.

Ururka Haweenka Gobolka Mudug ayaa juhdi badani ku bixiyay, sidii ay tiirka ugu hubsan lahaayeen haweeneydaasi, iyagoo ka jawaabaya carrada baahsan ee ka dhalatay, sida foosha xun ee ay u dishay Saabiriin oo gurigeeda ku nooleed, isla-markaana ay waalidiinteedu geeriyoodeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc