Home Wararka Maanta RW Barre oo sheegay inay dadka qaar u baahan yihiin inay soo arkaan is bedelka ka jira Muqdisho

RW Barre oo sheegay inay dadka qaar u baahan yihiin inay soo arkaan is bedelka ka jira Muqdisho

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay maanta la tartameyso caasimadaha dunida, isagoo iftiiminaya in is bedel weyn oo amni iyo horumarba leh uu ka jiro magaalada, wuxuuna sheegay in dadka qaarkood ee aan la socon is bedelka ka jira Muqdisho ay u baahan yihiin inay yimaadaan oo indhahooda ay ku arkaan.

“Caasimadda wax badan ayaa laga soo sameeyay, waad ogtihoonoo waxaa la nidaamiyay bajaajyadii, dilkii iyo mashaakilkii jiray. Amnigii baa wax laga qabtay, waad ogtihiin oo idiinkaa marqaati ka ah oo caasimadda doorasho iyo safaf dhaadheer ku galay, ayadoo aan waxar laga dhiijina waa tii inoo dhammaatay, Ilaahay baa ku mahadsan.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad uu maanta xarigga uga jaray waddo laga dhisay xaafadda Buulo-xuubey ee Degmada Wadajir, isagoo dhinaca kalena sheegay in dhismaha laamigan uu wax ka tarayo bilicda magaalada iyo in amniga la isku halayn karo.

Raysal Wasaaraha ayaa dadka reer Muqdisho kula dardaarmay inay ilaashadaan amnigooda iyo horumarka ka jira magaalada, isla-markaana ay iska qabtaan kuwa ay dhici karto inay carqaladeeyaan.

“Waxaan kula dardaarmayaa shacabkeenna qiimaha badan ee reer Banaadir inay nabadgelyadooda iyo bilicdooda ilaashadaan, inaanan la khaldin, inaanan magaalada la suurad xumeynin, inaan magaceedii qiimaha badnaa ee soo noqday ee la soo celiyay aan dib loogu celinin magac xumadii, fool xumadii iyo dhibkii ay soo martay.” Ayuu yiri Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Somaliya.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in dadka qaar ee u haysto inaanu is bedel ka dhicin Muqdisho ay u baahan yihiin inay soo booqdaan oo ay yimaadaan, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in Muqdisho aysan ahayn middii hore.

“Dadka qaarkood malaha waxay u baahan yihiin inay soo booqdaan oo ay yimaadaan oo ay arkaan. Waxaa laga yaabaa inay maskaxdooda weli ku jirto waxyaabihii ay maqli jireen ama ay arki jireen, laakiin waxaan rabaa inaan u sheego Muqdisho, Muqdishadii aad taqiinayn ma aha. Muqdisho way soo noqotay, caasimadaha ugu amniga badaney ku jirtaa. Caasimadaha ugu korista badan ayay ku jirtaa, marka la fiiriyo sida ay u koreyso. Muqdisho way is bedeshay.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Barre ayaa hadalkan jeediyay, iyadoo weli aysan magaalada iman Madaxda Jubbaland iyo Puntland, shirkii maanta Muqdisho uga furmi lahaana Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu u muuqdo mid mar kale dib u dhacay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc