Senator Aadan Cabdirisaaq Maxamed oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka masuul tahay dagaalka shalay iyo maantaba ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Senator Aadan Cabdirisaaq oo ka mid ah Xildhibaanada deegaanada Koonfur Galbeed ku metela Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in dagaalka ay ku lug lahaayeen saraakiil uu sheegay in qaarkood uu isagu heyb ahaan ku metelo Baarlamaanka Somaliya, kuwaas oo uu muujiyay inay Dowladda Federaalka gadaal ka taagneyd.
Senator Aadan Cabdirisaaq ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka aysan ka baxsan karin caddeymaha xoogan ee loo hayo in ay ka dambeysay isku dhacyada hubeysan ee ka dhacay Baydhabo, isagoo tusaaleynaya in ciidamadii qaar ee la dagaalamayay Ciidamada Koonfur Galbeed ay ka dhex dagaalamayeen hoyga uu magaalada ku leeyahay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).
Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa maanta la wareegay hoyga Wasiir Xasan Eelaay, oo ka mid ah goobihii uu dagaalka ugu culus ka dhacay Khamiistan.
“Waxaan rabaa si cad inaan idiinkugu sheego Dowladda Federaalka Somaliya meel ay uga maqan tahay ma jirto, sababtoo ah Wasiir ka mid ah xukuumadda gurigiisa ayay joogeen. 40 ku dhawaad ah ayaa guriga ku jiray oo ku dagaalamayay. See noo dhihi kartaa Dowladda Somaliya waxba kama ogi.” Ayuu yiri Senator Aadan Cabdirisaaq oo Warbaahinta la hadlay.
Waxa kaloo uu yiri “Dowladda Somaliya iyadaa raali ka ahayd, iyadaana loo haystaa dhibaatada iyo waxa ka dhacay Magaalada Baydhabo.”
Senator Aadan Cabdirisaaq ayaa intaasi ku daray “Waxaan leenahay dadka reer Baydhabo iyo Koonfur Galbeedba si fiican ayaad suubiseen. Waxaad barbar istaagteen Dowladdiinna Koonfur Galbeed, sidaasna u garab taagnaada, annaga oo madaxdiinna iyo masuuliyiintiinna ahna waan idin garab taaganahay.”
Senator-ka ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ugu baaqay in maxkamad la soo taago dadkii buu yiri dhibaatadaasi suubiyay iyo in Xafiiska Ilaaliyaha Guud ee Koonfur Galbeed uu magacaabo dadka sida uu yiri daaha gadaashiisa ku jira.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah xubnihii ay ciidamada kula dagaalameen gudaha magaalada. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in laamaha amnigu ay soo bandhigi doonaan raggaasi iyo hubkoodaba.
Xaaladda Baydhabo ayaa ku soo laabatay mid caadi ah, ka dib dagaal laba maalmood qalqal amni ka abuuray magaalada.