Home Wararka Maanta NISA oo sheegtay in Ciidanka Alpha Group ay toogasho ku dileen Sarkaal Shabaab ah

NISA oo sheegtay in Ciidanka Alpha Group ay toogasho ku dileen Sarkaal Shabaab ah

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa caawa ka warbixisay hawlgal 27-kii bishii hore ee January ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, laguna dilay sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab.

Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegtay in hawlgalkan oo laga fuliyay deegaanka Daniga Baaloow lagu dilay Axmed Dhubad Xidig oo loo yaqaanay (Sheekh Aadan Dheere).

NISA ayaa waxay sheegtay in Sheekh Aadan Dheere uu Al Shabaab ugu magacawnaa Madaxa Maaliyadda ee Gobolka Banaadir.

NISA ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in hawlgalka lagu dilay ninkaasi ay fuliyeen Ciidanka Gaarka ah ee Gaashaan (Alpha Group).

Warka NISA ayaa u qornaa:-

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere, kaas Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir, ka dib hawlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee Gobolka Shabellaha Hoose, 27-kii Janaayo.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay Horjoogaha ayaa toogtay, ka dib markii uu isku dayay in uu dagaal kala horyimaado ciidanka, intii uu socday hawlgalka qorsheysan.

Horjoogahan oo cadowga Khawaarijta ku biiray sanadkii 2008-dii, isla-markaana muddo dheer ku howlanaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha ayaa hore Khawaarijta wakiil dhinaca baadda uga soo noqday Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabellaha Hoose.

Ciidanka NISA oo muddo dheer ku raad-joogay Horjooge Axmed Dhubad Xidig ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay soo afjaraan noloshiisa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc