Home Wararka Maanta Koonfur Galbeed oo la wareegeysa guri kasta oo Baydhabo ku yaala oo ciidan lagu uruuriyo

Koonfur Galbeed oo la wareegeysa guri kasta oo Baydhabo ku yaala oo ciidan lagu uruuriyo

by Laacib

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa sheegay in maamulku uu la wareegi doono gurigii laga soo abaabulo falal wax loogu dhimayo nabadgelyada iyo xasilloonida Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa muujiyay in arrintan ay si gaar ah u saamayn doonto shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, isagoo daba jooga dagaaladii Arbacadii iyo Khamiistii ka dhacay magaaladaasi, isla-markaana u dhaxeeyay Ciidamada Koonfur Galbeed iyo ciidamadii kale ee taabacsanaa Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan ee lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Nishow ee markii dambena dibadda looga saaray magaalada.

Wasiirka ayaa sheegay in guri aan ahayn mid dowladeed oo ku yaala Baydhabo aan lagu uruurin karin wax hub iyo ciidan toona, ciddii awaamirtan jebisana ay sharciga la tiigsan doonaan, iyadoo gurigaasina lala wareegi doono.

“Guri kasta oo qoryo iyo ciidan lagu uruuriyo oo xaafad ka mid ah Magaalada Baydhabo ku yaala, gurigaasna guri dowladeed aan ahayn, gurigana waa lala wareegayaa, dadka meesha joogana sharcigaa la waafajinayaa, arrintaasi go’aan waaye.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo ka hadlayay kulan looga hadlayay ammaanka magaalada oo maanta uu kaga qaybgalay Baydhabo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Gudoomiyeyaaasha Xaafadaha Baydhabo ay leeyihiin masuuliyadda ugu weyn ee arrintan, kuwaas oo uu sheegay in looga baahan yahay in ay soo sheegaan guryaha la doonayo in laga qalqalgeliyo amniga.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa Khamiistii la wareegay hoyga uu Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) uu ku leeyahay magaaladaasi, oo ka mid ahaa meelaha uu dagaalka ugu culus ka dhacay.

Senator Aadan Cabdirisaaq Maxamed oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in gurigan ay ka dhex dagaalamayeen illaa 40 nin, kuwaas oo uu sheegay in loo adeegsanayay qalqalgelinta amniga.

Maamulka ayaa gacanta ku haya qaar ka mid ah askartii dagaalka la gashay ciidamada, kuwaas oo aan si dhab ah loo aqoon, waxa laga yeeli doono.

Hase yeeshee Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Jimcihii ballanqaaday in qof khalad uu galay aysan ku sii fogayn doonin.

“Nin walbaba wuxuu sameystay, asaga iyo Ilaahaygiisa, laakiin annaga Ilaahay dartiisa dadkan ayay masuuliyad naga saaran tahay, qof kasta oo reer Koonfur Galbeed ah cafis iyo masaamax ayuu naga yahay, waa walaalkeen hanoo soo dhawaado, hana la joogo reer Koonfur Galbeedaa nahay. Koonfur Galbeed aniga ma lihi, masuuliyddaanaa Ilaahay nasiibkayga ka dhigay, maalintuu Ilaahay ii qoraa ka tagaayaa, si nabadaaana uga tagaayaa. Haddii Ilaahay ii qoray dadkan inaan u adeego oo u sii joogo, waan sii joogayaa, waana sii adeegayaa, wanaagii aan qabtay baan sii badinaayaa. Dan kale oo aan ka leeyahay ma lahan.” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc