Booliska Canada ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan sagaal qof lagu dilay toogasho ka dhacday Dugsiga Sare ee Tumbler Ridge ee Gobolka British Colombia ee dalkaasi.
Booliska ayaa sheegay in lix meyd laga helay dhismaha iskuulka, in qof kale uu dhintay isaga oo isbitaalka loo sii wado in laba meyd oo kale laga helay goob ku dhow iskuulka, ka dib toogasho wadareed halkaasi ka dhacday gelinkii dambe ee Talaadadii.
Qof dumar ah ayaa looga shakisan yahay inay weerarka gaysatay, taasoo la sheegay inay u geeriyootay dhaawac ay iyadu isu gaysatay.
Raysal Wasaaraha Canada, Mark Carney ayaa hakiyay safar uu qorsheynayay in uu ku tago Yurub, ka dib weerarka.
Raysal Wasaare Carney ayaa war xafiiskiisa ka soo baxay ku sheegay in uu ka xun yahay weerarkan, oo uu ku sheegay mid argagax leh.
Raysal Wasaaraha Gobolka British Colombia, David Eby ayaa weerarka toogashada ku tilmaamay masiibo ballaaran oo aan la qiyaasi karin.
David Eby ayaa ballanqaaday in maamulkiisu uu bixin doono dhammaan taageerada looga baahan yahay, si loo gargaaro bulshada.
Warsaxaafadeed ay Booliska Gobolka British Colombia soo saareen ayaa lagu sheegay in laba qof oo qaba dhaawacyo halis ah in la dhigay goobaha caafimaadka iyo in laga saaray 25 kale oo xaaladdooda aysan halis ahayn.
“Dhammaan ardayda iyo shaqaalaha kale ee haray ayaa si nabad ah looga daadgureeyay iskuulka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in uu bilowday baaritaanka dhacdada, iyadoona boolisku ay ka gaabsadeen inay faah faahiyaan haweeneyda la sheegay in ay toogashada gaysatay.
Magaalada ay toogashadu ka dhacday ee Tumbler Ridge ayaa ah magaalo yar oo dadkeedu ay gaarayaan illaa saddex kun oo qof.