Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sii wada hawlgalka ay kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab ee ay ka wadaan deegaanada qaar ee hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay maanta gaareen deegaanka istiraatiijiga ah ee Sullaye (Suulaaye), kaas oo isku xira Maxaas, Teedaan iyo Waabweyn.
Hawlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Kumaandooska Danab iyo Ciidanka Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Danab.
“Intii uu hawlgalka socday, ciidamada ayaa ku guuleystay inay toogtaan laba dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka, iyagoo sidoo kale ka soo furtay hal qori oo noociisu yahay AK-47. Ciidamada ayaa sii waday hawlgalka, waxayna miino baaris ku sameeyeen waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah, si looga hortago khataraha ay argagixisadu ku abuuri karaan shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi.” Ayaa lagu yiri warka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadu ay si taxadar leh ugu sii socdaan Degmada Maxaas, gaar ahaan deegaanka Goobo oo 15km jihada waqooyi uga beegan degmadaasi, iyadoo hawlgalka ay qayb ka yihiin Macawiisleyda reer Hiiraan.
Goobo oo ku taala dhinaca waddada aadda Magaalada Guriceel ayaa waxay noqon kartaa xudunta dagaalka, marka aad eegto in Shabaabku ay ku leeyihiin difaacooda ugu weyn ee ay ka difaacayaan Maxaas.
Shabaabka ayaa 27-kii bishii July dagaal culus kula wareegay gacan ku haynta Maxaas, waxayna 4-tii bishii August ay bilaa dagaal kula wareegeen Goobo.
Dhaqdhaqaaqyadan dib uga soo cusboonaaday bariga Gobolka Hiiraan ayaa la doonaya in Al Shabaab looga kiciyo Degmada Maxaas, taas oo ku taala xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
