Home Dhacdooyin Somaliya oo ka mid noqotay Golaha Amniga & Nabadda ee Midowga Afrika

Somaliya oo ka mid noqotay Golaha Amniga & Nabadda ee Midowga Afrika

by Laacib

Somaliya ayaa xubin ka noqotay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika (PSC), ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Addis Ababa oo loogu doortay inay xubin ka noqoto golaha, labada sano ee soo socota.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta bayaan ay soo saartay ku shaacisay in Somaliya ay xubin rasmi ah ka noqotay golahaasi.

“Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, taasoo ah guul muhiim ah oo ka tarjumeysa safarka diblomaasiyadeed ee Somaliya iyo caddeyn muujineysa in dalka uu dib u helay meel uu xaq ugu leeyahay diblomaasiyadda qaaradeed iyo tan caalamiga ah. Doorashadan Somaliya waxay ka tarjumeysaa kalsoonida iyo aaminaadda ay dalalka xubnaha ka ah AU siiyeen.” Ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dalka uu ku hantay kursiga Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, muddada 2026-2028.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay astaan u tahay horumarka diblomaasiyadda Somaliya iyo dib u soo kabashada doorka hoggaamineed ee dalkeennu uu ku leeyahay heer qaaradeed iyo heer caalam iyo shaqada wanaagsan ee ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeenna” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya.

Warka ayaa lagu sheegay “Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay caddeyn u tahay isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo xiriirka iskaashi ee sii xoogeysanaya. Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, maanta waxaynu fadhinnaa Golaha Amniga iyo Nabadda Afrika.”

Warka ayaa intaasi ku daray “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan dalalkii taageeray, una codeeyay Somaliya, isagoo xusay in guushan ay ka tarjumeyso wadajir, saaxiibtinimo iyo aragti mideysan oo ku aaddan Afrika nabad ah, xasilloon, isla-markaana horumar leh.”

PSC ayaa ah hay’adda ugu sarreysa ee Midowga Afrika u qaabilsan ka hortagga isku dhacyada dalalka, maareynta iyo xallinta khilaafaadka.

Golahan oo ka kooban 15 xubnood ayaa dalalka xubnaha ka ah lagu soo doortaa qaab gobol, oo laba illaa saddex sano mar doorasho ku yimaada, mana lahan wax joogto ah.

15-ka dal ayaa laga soo doortaa qaaradda oo dhan, waxaana loo soo kala doortaa:-

Bariga 3

Bartamaha 3

Koonfurta 3

Galbeedka 4 iyo Waqooyiga 2.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc