Home Wararka Caalamka Trump oo Netanyahu u sheegay in Mareykanka uu fursad siinayo wada-xaajoodka Iran

Trump oo Netanyahu u sheegay in Mareykanka uu fursad siinayo wada-xaajoodka Iran

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Arbacadii Aqalka Cad ku qaabilay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, si ay uga wada hadlaan masiirka barnaamijka nuclear-ka ee Iran iyo waxa laga yeelayo gantaalada ridada dheer ee ay Tehran ku hubeysan tahay.

Kulanka ayaa soo geba-gaboobay saddex saac ka dib, iyadoo labada hoggaamiye aysan wax is faham ah ka gaarin arrinta Iran, sida uu sheegay Madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Raysal Wasaaraha Israel u sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono wada-xaajoodka uu la leeyahay Iran, bedelkii ay weerari lahaayeen dalkaasi.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa riixayay in fara-gelin militari lagu sameeyo Iran, si loogu khasbo in ay ka tanaasusho sameysashada nooc walba oo nuclear ah, haddii ay tamar noqoto iyo hubka wax gumaada, labadaba.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa barraha bulshada ee Truth Social ku sheegay in uu Netanyahu la wadaagay in uu sii wadi doono raadinta heshiis diblomaasiyadeed oo lala galo Iran.

Trump ayaa kulanka uu Netanyahu la yeeshay ku tilmaamay mid aad u wanaagsan, inkastoo sida uu qiray uu natiijo la’aan ku soo idlaaday kulankaasi.

“Ma jirin wax dhab ah oo la gaaray, aan ka ahayn in aan ku adkaystay in la sii wado wada hadalka Iran, si loo arko in heshiis la gaari karo iyo in kale.” Ayuu yiri Trump.

Trump ayaa intaasi ku daray “Haddii heshiis la gaaro, waxaan ku wargelin doonnaa Raysal Wasaaraha inay taasi noqon doonto dooq, haddiise la awoodi waayo waa inaan aragnaa waxa ay natiijadu noqon doonto.”

Kulankan ayaa noqonaya kiisii toddobaad ee Trump iyo Netanyahu ay yeeshaan, tan iyo markii uu Trump xafiiska dib ugu soo laabto horaantii sanadkii hore.

Netanyahu ayaa noqonaya hoggaamiyaha ajnabiga ah ee booqashada ugu badan ku taga amaba lagu qaabilo Aqalka Cad, muddo sanad ah.

Netanyahu ayaa Arbacadii isaga tegey Xafiiska Oval, isaga oo aan Trump kala soo muuqan shir jaraa’id oo wadajir ah, sidii caadada ahayd.

Trump ayaa qaatay go’aankan uu ugu dambeysiinayo dagaalka Iran, xilli dalalka Bariga Dhexe ay diideen in hawadooda iyo dhulkooda laga weeraro Iran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc