Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Ingiriiska, oo ay hoggaamineysay Jenny Chapman, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Horumarinta.
Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu wafdiga Ingiriiska warbixin ka siiyay guulaha ay Somaliya ka gaartay dowlad dhiska, amniga iyo geeddi-socodka dimoqraadiyadda.
“Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay guulaha muuqda ee Somaliya ay ka xaqiijisay dowlad-dhiska, ammaanka iyo geeddi-socodka dimoqraadiyadda, isagoo adkeeyay xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
Warka ayaa lagu sheegay “Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Somaliya, gaar ahaan dadaalada lagu xoojinayo nabadgelyada, la dagaalanka argagixisada iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.”
Villa Somalia ayaa ku warantay in Jenny Chapman ay adkeysay, sida London ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhow ee kala dhaxeeya Muqdisho, isla-markaana ay xustay muhiimadda xasilloonida Somaliya ay u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba qaaradda.
Kulankan ayaa imanaya, xilli Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Mareykanka ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku cadaadinayaan in ay ogolaato in heshiis laga gaaro is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka, si ay Somaliya uga qabsoomto doorasho heshiis lagu yahay, isla-markaana loo dhan yahay.
