Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa Siyaasiyiinta Mucaaradka laga hor istaagay in ay ilaaladooda la galaan Garoonka Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku yaalo The Airport Hotel oo Madaxda Puntland iyo Jubbaland ay degan yihiin.
Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka, Raysal Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble iyo masuuliyiin kale ayay ciidamada amniga u diideen in ay ilaaladooda la galaan gudaha Garoonka Aadan Cadde.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee ku sugan Marine Gate oo ka mid ah meelaha laga galo Garoonka Aadan Cadde ay madaxdii hore ee dalka u sheegeen inay reeban tahay in ilaalo lalo galo garoonka, taasna ay ka dhow dahay in ay dib isaga laabtaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxdu ay goobta ka laabteen iyagoo ka carreysan is hortaagga lagu sameeyay isla-markaana ay qorsheynayaan in la isugu tago hoyga uu Shariif Sheekh Axmed ka degan yahay magaalada.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa doonayay in hotelka ay degan yihiin Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) kaga qaybgalaan kulan ay lahaayeen Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaalyeed, oo ah isbahaysi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland.
Tani ayaa imaneysa, iyadoo uu maanta dib-u-dhac ku yimid Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ee la doonayo in xalka looga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.