Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka oo ka hadashay masuuliyiinta la sheegay in loo diiday Garoonka Aadan Cadde

Dowladda Federaalka oo ka hadashay masuuliyiinta la sheegay in loo diiday Garoonka Aadan Cadde

by Laacib

Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliya ayaa sheegtay inaysan jirin masuuliyiin hore oo laga hor istaagay inay galaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, balse ay jiraan kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga ee u degsan garoonkaasi.

Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed, Raysal Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble iyo masuuliyiin kale ayaa caawa laga hor istaagay inay ilaaladooda la galaan Garoonka Aadan Cadde, iyagoo doonayay in ay ka gudbaan Marine Gate oo ka mid ah meelaha laga galo garoonkaasi, wuxuuna ujeedkoodu ahaa in ay The Airport Hotel oo Madaxda Puntland iyo Jubbaland ay degan yihiin uga qaybgalaan kulan ay lahaayeen Xubnaha Golaha Mustaqbalka.

Arrintan ayaa ka carreysiisay madaxdii hore ee dalka, waxayna dad badani u fasirteen mid calaamad ah u ah, sida ay u sii kala fogaanayaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo hubinti la’aan ku gadaaman shirka labada dhinac lagu wado inay ku yeeshaan Muqdisho.

Wasaaradda Amniga Gudaha oo arrintaasi ka jawaabeysa ayaa soo saartay war u qornaa:-

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta u caddeynaysaa in habraaca soo jireenka ah ee sugidda amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle uu si buuxda u shaqeynayo, isla-markaana uu khuseeyo cid kasta oo dooneysa inay gasho ama ka baxdo garoonka.

Habraacaasi wuxuu dhigaya in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla-markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.

Si kastaba ha ahaatee, xalay waxaa dhacday in qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla-markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyay in xilliga habeenkii la isticmaalo. Tallaabadaas waxay halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka, waxayna jebinaysaa habraaca rasmiga ah ee sugista amniga.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay mar kale caddeynaysaa in habraacyada amniga garoonka ay wada khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta, xil haya iyo kuwo horeba, isla-markaana aan cidna laga reebayn fulinta nidaamkaas.

Dhanka kale, Wasaaraddu waxay iftiimineysaa in aanay jirin masuuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga ee u degsan garoonka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay ku boorrineysaa dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciyada iyo habraacyada amniga si loo xaqiijiyo badqabka guud ee garoonka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc