Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo booqday hoyga Shariif Sheekh Axmed

Raysal Wasaare Barre oo booqday hoyga Shariif Sheekh Axmed

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa booqasho ku tegay hoyga uu Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

“Raysal Wasaare Xamse ayay booqashadiisa qayb ka tahay niyad wanaagga madaxda dowladda ku wajahayso wada hadalka, horeyna u abuurtay jewi kasta oo xasillooni oo dalka hore loogu wadi karo.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Warka ayaa lagu sheegay “Kulanka waxaa qayb ka ahaa Raysal Wasaare hore, Mudane Xasan Cali Khayre oo xubin ka ahaa Golaha Mustaqbalka.”

Warka ayaa intaasi ku daray “Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in gogosha dowladda ay mar kasta fidsan tahay, albaabka madaxdana uu furan yahay, muhiimna tahay in dhinacyada laga la fariisto xal-u-halista arrimaha taagan, si dalka uu hore ugu tallaabsado, loogana xoreeyo cadowga Khawaariijta, meelna looga soo wada jeesto fara-gelinta dibadeed ee lagu sameeyay dalka.”

Booqashadan ayaa u muuqato mid lagu dejinayo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, xilli xubno ka mid ah caawa laga hor istaagay in ay ilaaladooda la galaan Garoonka Aadan Cadde.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka carooday tallaabada loogu diiday in ay ilaaladooda gudaha ugu la galaan garoonkaasi, xilli hotelka ay ka degan yihiin Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay doonayeen in ay kaga qaybgalaan kulan ay lahaayeen Xubnaha Golaha Mustaqbalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc