Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho kale ku tegay hoyga Raysal Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu la kulmay Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka.
Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Xuseen Rooble waxay ka mid yihiin xubno ka tirsan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, kuwaas oo caawa fiidkii laga hor istaagay in ay ilaaladooda la galaan Garoonka Aadan Cadde.
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka wada hadlay shirka lagu wado in Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.
“Raysal Wasaare Xamse iyo Mudane Maxamed Xuseen ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha gogosha wada hadalka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Barre.
Raysal Wasaare Barre ayaa ku celiyay in gogosha Dowladda Federaalka ay mar kasta fidsan tahay, albaabka madaxduna uu furan yahay, isla-markaana ay muhiim tahay in dhinacyada laga la hadlo, sidii loo dhamayn lahaa arrimaha taagan.
Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa juhdi gelinaya in is faham laga gaaro halka lagu qabanayo Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo lagu kala aragti duwan yahay.
Madaxda Qaranka ayaa riixaya in shirka lagu qabto Villa Somalia, halka Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo degan hotel ku yaala Garoonka Aadan Cadde ay daneynayaan in lagu qabto meel ka baxsan xeendaabka Madaxtooyada.
Shirkan ayaa muhiim u ah in la maareeyo arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay, oo ay ugu horreyso nooca doorasho ee dalka laga qabanayo oo aan weli heshiis lagu ahayn.
