Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa, oo lagu wado in uu kaga qaybgalo Shirka Midowga Afrika.
Madaxweynaha Somaliya ayaa Hoggaamiyeyaasha Afrika kala qaybgelaya Meertada 39aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu xoojinayo dadaalada diblomaasiyadeed ee ku aaddan difaaca midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.
“Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceedyo la yeelan doona madaxda gobolka iyo kuwa Afrika ee shirka ka qaybgelaya, isagoo ku bogaadinaya, kuna adkaynaya mowqifka taariikhiga ah ee ay ka istaageen xadgudubka sharci darrada ah ee Israel ay kula kacday midnimada Somaliya, ugana mahadcelinaya taageerida xubinimada dalkeenna ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
Shirka oo lagu wado in uu Sabtida ka furmo Addis Ababa ayaa socon doona illaa Axadda.
