Home Wararka Maanta Xagee Somaliya ku socotaa?

Xagee Somaliya ku socotaa?

by Laacib

Fallanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in Somaliya ay ku socoto jiho khaldan, iyagoo tusaaleynaya qorshaha siyaasadeed ee Villa Somalia ee aanu tanaasulka ka muuqan, isla-markaana sii fogayn kara danleyda siyaasadda dalka amaba Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka.

Inkasta oo weli ay gogosha Dowladda Federaalka fidsan tahay, haddana waxaan weli is faham laga gaarin halka ay tahay in lagu qabto wada hadalka ay leeyihiin Madaxda Qaranka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah isbahaysiga ugu weyn ee loolanka kula jira Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda ayaa dooneysa in shirka lagu qabto Xarunta Madaxtooyada, halka Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland oo degan hotel ku yaala Garoonka Aadan Cadde ay dalbanayaan in lagu qabto meel aan ahayn aagga cagaaran ama ka baxsan xeendaabka Madaxtooyada, taas oo ay ugu wacan tahay inaanay kalsooni badan ku qabin dhinaca hoggaamiyaha dalka, marka loo eego meesha ay siyaasad ahaan kala joogaan iyo xilligan oo siyaasadda dalka ay kacsan tahay.

Shirka ka hor, Dowladda Federaalka ayaa qaadeyso tallaabooyin xagga amniga, oo ay ku xadideyso hubka iyo ilaalada Siyaasiyiinta Mucaaradka, waana xilli aysan jirin is aaminaad labada dhinac ah, waqtiga dastuuriga ah ee hay’adaha dowladduna uu geba-gabo ku dhow yahay. Shirka ay labada dhinac ku wada hadlayaan oo Beesha Caalamka ay taageertay ayaa loola jeedaa in la dhameeyo arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay, oo ay ugu horreyso nooca doorasho ee dalka laga qabanayo oo aan weli heshiis lagu ahayn. Iyadoo ay arrintan taagan tahay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcahan u ambabaxay Magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qaybgeli doono Meertada 39aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

Dadka qaarkii ayaa habdhaqanka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku sifeeyay mid ka tarjumaya inaanay wax niyad ah u hayn wada hadalka soo socda, tani oo keeneysa in goor horeba rajo xumo laga muujiyo natiijada shirka.

Tallaabadan ayaa dhici karta in Dowladda Federaalka ay ku raadineyso muddo kororsi, waxayse hubinti la’aan ka dhigeysaa geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somaliya, bacdamaa mucaaradka oo Puntland iyo Jubbaland ay taageerayaan ay qaban karaan doorasho barbar socoto amaba laga soo horreysiiyay midda ay Villa Somalia waddo. Mucaaradka ayaa laga yaabaa inay ku andacoodaan in ay Villa Somalia dib u dhigeyso doorashada, sidaasi daraadeedna ay iyagu doorashada ku qaban doonaan waqtigeeda, si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah.

Hase yeeshee Beesha Caalamka ayaan marnaba taageeri doonin doorasho hal dhinac ah, iyadoo dalalka deeq-bixiyeyaashana aysan wax dhaqaale ah ku bixin doonin doorasho aan loo dhamayn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc