Wasiirka Beeraha & Waraabka Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay ka masuul tahay in uu guro Webiga Shabelle, oo ay ku tiirsaneyd nolosha mallaayiin qof.
Webiga Shabelle oo mara Gobolada Hiiraan, Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose ayaa biyihisa ay ka soo rogmadaan buuraha dalka Itoobiya.
Wasiirka Beeraha ayaa maanta booqday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, isaga oo ka jawaabaya qaylo dhaanta biyo yarida soo food saartay beeraleyda.
Wasiirka oo indhihiisa ku soo arkay, sida uu biyihii webiga u guray ayaa sheegay in Somaliya ay maanta mareyso meel ay adag tahay inay dib ugu laabato wax soosaarkii beeraha.
“Dalkan Somaliya wuxuu marayaa meel aanu si wanaagsan dib ugu soo noqon karin wax soosaarkiisa, haddaan si degdeg ah looga qaadin xayiraadda.” Ayuu yiri Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Afgooye.
“Webigan biyihiisii dowladaha ay ka yimaadaan baa xirtay, oo si aan sharciga waafaqsaneyn u isticmaalay oo shuruucda caalamiga ah ka soo horjeeda.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiir Maareeye oo sii hadlayay ayaa yiri “Dadka Soomaaliyeed badankooda ee wax soosaarka ka shaqeeya ayaa ku xirneyd. Waa kaa aan dhex taaganahay ee sidaa u qalalay. Dadka halkan degan illaa Beledweyne, Feerfeer illaa Haawaay oo ahaa dad wax soosaar, noloshoodana kaafin jiray, nolosha dadka kale ee dalkana ugu badan tahay magaala madaxda dalkana illaa saddex milyan ka badan ay ku nooshahay quudin jiray, iyagaa maanta dhibaato ku jira.”
Maareeye ayaa ganacsatada iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee wax haysta ugu baaqay inay gacan ka gaystaan samatabixinta dalka.
“Dalka qalalaase buu ku jiraa, qalalaase biyo la’aan, cunto la’aan iyo qalalaase burbur dhaqaale buu ju jiraa.” Ayuu yiri Maareeye oo intaasi ku daray “Somaliya nolol cusub in loo abuuro mooyee, noloshii ay ku noolaan jirtay waxba kama harayaan.”
Maareeye ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay qaar ka mid ah beeraleyda dalka, oo ay qayb ka yihiin kuwa Afgooye.
