Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Afrika ay tahay inay kursi joogto ah ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha Somaliya ayaa Axaddan Magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay shir gaar ah, oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobey.
“Madaxweynaha ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay saameeyeen caqabado ay ka mid yihiin colaadaha daba dheeraaday, loolanka siyaasadeed iyo cadaadisyo dhaqaale, isagoo adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-habayn lagu waafajinayo nidaamka caalamiga ah duruufaha maanta jira, si loo xoojiyo waxtarka iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Afrika ay door muuqda ku leedahay ajandaha nabadda iyo amniga caalamka, iyadoo dalalka qaaraddu ay hormuud ka yihiin hawlgalada nabad ilaalinta iyo dadaalada xasillinta, waxa uuna caddeeyay in qaaraddu weli ka maqan tahay metelaad joogto ah ee Golaha Ammaanka, arrintaas oo u baahan dib u eegid degdeg ah.” Ayaa lagu sheegay warka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu ku baaqay midnimo iyo diblomaasiyad joogto ah, si loo xaqiijiyo dib-u-habayn dhab ah oo ku dhisan caddaalad iyo sinnaan, isla-markaana uu adkeeyay in Somaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo cusbooneysiinta Qaramada Midoobey, si loo dhiso nidaam caalami ah oo ay dhammaan qaaraduhu ku leeyihiin ka qaybgal iyo metelaad loo siman yahay.
Shirkan ayaa imanaya, xilli Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres uu Sabtidii Hoggaamiyeyaasha Afrika ugu baaqay in ay baraarugaan, isla-markaana ay u dagaalamaan, sidii ay metelaad xoogan ugu yeelan lahaayeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Afrika waa qaaradda ugu dalalka badan ee caalamka, isla-markaana aan kuraas joogto ahi ku lahayn Golaha Ammaanka.
