Home Wararka Maanta Agaasimaha NISA oo Madaxweynaha Puntland kala hadlay qabsoomidda shirka

Agaasimaha NISA oo Madaxweynaha Puntland kala hadlay qabsoomidda shirka

by Laacib

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), ka dib markii uu ku booqday hotelka uu ka degan tahay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay si dhow uga wada hadleen, sidii uu u qabsoomi lahaa shirka la qorsheeyay in ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo hubinti la’aan ay soo food saartay.

Dowladda Federaalka ayaa waxay dooneysaa in shirka lagu qabto Xarunta Madaxtooyada, halka Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland oo qayb ka ah Golaha Mustaqalka ay ku adkeysanayaan in shirka lagu qabto meel ka baxsan xeendaabka Villa Somalia.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulanka Agaasimaha NISA iyo Siciid Deni uu dib kaga biiray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxa Sirdoonka Somaliya uu weli ku sugan yahay Xerada Xalane ee Garoonka Aadan Cadde, isla-markaana uu riixayo in ay ogolaadaan in ay shirka kaga qaybgalaan Madaxtooyada Qaranka.

Shirkan oo Beesha Caalamka ay taageertay ayaa la doonayaa in lagu dhameeyo arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay ee la xiriira doorashooyinka dalka iyo dhameystirka Dastuurka Qaranka.

Dadka odoroso siyaasadda Somaliya ayaa rajo xumo ka muujinaya in horumar laga sameeyo wada hadalka ay dhinacyadu ku yeelanayaan Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc