Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa Axaddan sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay fuliyeen weerar xagga cirka ah, kaas oo lagu bartilmaameedsaday gaari ay leeyihiin maleeshiyada Al Shabaab.
Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xubnaha Shabaabka ee la duqeeyay ay ku howlanaayeen miinooyin ay sheegtay inay ku aasayeen waddada xiriirisa deegaanada Masaajid Cali Gaduud iyo Daarusalaam ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wasaaradda oo soo bandhigtay sawirka gaariga la burburiyay ayaa waxay sheegtay in xubnaha ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ay u adeegsanayeen dhigista miinooyinka.
“Duqayntan ayaa lagu dilay 15 dhagarqabe, waxaana halkaas si buuxda loogu burburiyay gaariga ay u adeegsanayeen dhigista miinooyinka iyo dhammaan hubkii saarnaa.” Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Gaashaandhiga.
Warka ayaa lagu sheegay in xubnaha la dilay ay damacsanaayeen inay dhibaateeyaan shacabka isugu kala goosha waddooyinka deegaanada ee gobolkaasi.
“Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay ka go’an tahay sii wadista hawlgalada qorsheysan ee lagu ciribtirayo haraadiga Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badqabka dadka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka.
Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa la aaminsan tahay in tan iyo bishii January laga fuliyay duqaymiyihii ugu badnaa ee Al Shabaab hal gobol loogu gaysto sanadkan.