Waxaa gelinkii dambe ee maanta Dekedda Taşucu ee Gobolka Koonfurta Turkiga ee Mersin ka soo dhaqaaqay markabka Çağrı Bey oo ku wajahan Koonfurta Somaliya, si halkaasi uu shidaal qodis uga bilaabo dhawaan.
Masuuliyiin ka tirsan labada dowladood ayaa Dekedda Taşucu ee Degmada Silifke uga qaybgalay munsaabad lagu soo ambabixinayay markabka, kaas oo dhawaan uun ay Dowladda Turkiga soo bandhigtay.
Markabkan ayaa ka mid ahaa laba markab oo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu 30-kii bishii December ku dhawaaqay in ay maraakiibta Turkiga ku soo kordhiyeen laba markab, oo ah kuwa qoda badda hoostooda, isagoona xilligaasi magacyadooda ku kala sheegay Çağrı Bey iyo Yıldırım.
Markabka Çağrı Bey ayaa shaqadiisii ugu horreysay ka bilaabaya xeebaha Somaliya, ka dib markii markabka Oruc Reis uu xagaagii hore soo geba-gabeeyay howlihii shidaal sahminta ee dalka uu ka waday.
Munaasabadda lagu sagootinayay markabka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Tamarta & Khayraadka Dabiiciga Turkiga, Alparslan Bayraktar, Wasiirka Batroolka & Macdanta Somaliya, Daahir Shire Maxamed, Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo masuuliyiin kale.
“Waa Markabkii labaad oo Turkey ah oo la geeyo biyaha Somaliya, ka dib Oruc Reis. Sidoo kale waa markabkii ugu horreyay ee shidaal qodis ee la geeyo meel ka baxsan biyaha Turkiga.” Ayuu yiri Wasiirka Tamarta Turkiga.
Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in markabka uu sugayo safar dheer, ka dib markii uu sheegay inuusan sii mari doonin Kanaal Suweys (Suez), laakiin uu sii mari doono Badweynta Atlantic-ga, xeebaha galbeed ee Afrika, ka dibna uu tagi doono Dekedda Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in safarkan uu qaadan doono muddo 45 maalmood ah.
Somaliya iyo Turkiga ayaa bishii March ee sanadkii 2024 kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga tamarta, waxaana saddex shati ama ogolaansho lagu siiyay Shirkadda Turkish Petroleum inay sahminta iyo qodista saliidda iyo gaaska dabiiciga ah kaga samayn karto saddex goobood oo xeebaha dalka ah.
Xiriirka labada dal ayaa aad u xoogeysanayay dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay, iyadoona saddexdii sano ee la soo dhaafay ay labada dowladood kala saxiixdeen dhowr heshiis oo iskaashi dhinacyo kala duwan ah.
