Home Wararka Maanta Dalalka Arbacada laga soomi doono iyo kuwa aan laga soomi doonin

Dalalka Arbacada laga soomi doono iyo kuwa aan laga soomi doonin

by Laacib

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in berrito ay tahay maalinta 1aad ee bisha barakaysan ee Ramadan, ka dib markii ay sheegtay in bilashada bisha laga arkay meelo ka mid ah dalkaasi Sacuudiga.

Dalalka Emirate-ka Carabta, Qatar, Bahrain, Kuwait, Yemen, Ciraaq, Lubnaan, Falastiin, Sudan, Somaliya iyo Djibouti ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in 18-ka bisha February ay tahay maalinta koowaad ee la soomayo bisha Soon-qaad.

Bulshooyinka ku nool dalalkan iyo qaybo kale oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa caawa laga tukaday Salaadda Taraawiixda.

Waxaa jira dalal iclaamiyay in ay dhameystiri doonaan 30-ka bisha Shacbaan, kuwaas oo laga xusi karo Masar, Cumaan, Jordan, Syria, Tunisia, Pakistan, Malaysia, Indonesia, Azerbaijan, Kazakhstan, Kyrgyzstan iyo Uzbekistan.

Dalal ay Iran ka mid tahay ayaan illaa iyo hadda wax go’aan ah qaadan, iyadoo Tehran ay sheegtay in ay hubineyso in bisha laga arkay meelo ka mid ah dalka iyo in kale. Waxay u badan tahay inaanan Iran berrito laga soomi doonin.

Somaliya qudheeda waxay u egtahay in qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Mudug aan Arbacada laga soomi doonin.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa iclaamiyay in maalin ka dib ay soomi doonaan, taasoo macnaheedu yahay in ay hal maalin dadka ka dambeen doonaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc