Home Wararka Maanta Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo u muuqdo inay isku soo dhawaanayaan

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo u muuqdo inay isku soo dhawaanayaan

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadan Magaalada Muqdisho kula kulmay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee lagu wado inay ka qaybgalaan Shirka Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Mucaaradka ee looga arrinsanayo is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka.

Kulankan ayaa ka dhacay Hotel Decale oo ku dhex yaala Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna ahaa kulan qado ah oo Madaxweynuhu uu u sameeyay Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Kulankan ayaa u muuqday mid ay dhinacyadu isugu muujinayaan niyad wanaag, ka hor shirka ay ku yeelanayaan Muqdisho.

“Kulanka qadada ee Madaxweynuhu ku martiqaaday Golaha Mustaqbalka ayaa hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ay fidisay xukuumadda, si looga wada hadlo xaaladda guud ee dalka sida doorashooyinka, midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla-markaana Golaha Mustaqbalka u qaabilsan qaban-qaabada shirka ayaa kulanka ka dib Wariyeyaasha u sheegay in uu jewi wanaagsan ku dhacay kulankii maanta ee labada dhinac.

“Maanta waxay uun ahayd shirka furitaankiisii. Khudbado gaagaaban ayaa meesha laga akhriyay oo soo dhawayn, mahadcelin iyo in la isku laab furnaado.” Ayuu yiri Cabdullaahi Carab.

Carab oo sii hadlayay ayaa yiri “Maanta wixii ka dambeeyo ayay wada hadalada si toos ah u bilaaban doonaan. Waxaa jiri doona shirar gaar gaar ah.”

Kulankan oo goobjoog ay ka ahaayeen Madaxweyneyaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee si fool ka fool ah ay isku arkaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Siciid Deni, oo ay ugu dambeysay in ay is hor fariistaan saddex sano ka hor.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc