Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa ka digtay in Somaliya ay qarka u saaran tahay xaalad macluul ah, ka dib markii ay sheegtay in xaaladda bani’aadantinimo ee dalka ay ka sii dareyso.
Hay’adda Qaramada Midoobey ee WFP ayaa Jimcihii sheegtay in Somaliya ay wajaheyso xaalad aad u adag, taasoo isu rogi karta bay tiri macluul, haddii aan la helin dhaqaale degdeg ah oo xaaladda dalka wax looga qabanayo.
Agaasimaha U Diyaargarowga & Wax Ka Qabashada Xaaladaha Degdegga ee WFP, Ross Smith ayaa sheegay in xaalado kala duwan oo is biirsaday ay mallaayiin qof ku riixeen inay wajahaan cunto yari.
“Laba xilli roobaad oo baaqday, iska horimaadyo iyo barakac baahsan ayaa mallaayiin qof ku riixay cunto yari ba’an.” Ayuu yiri Agaasimaha oo Wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Geneva.
“4.4 milyan oo qof oo ah qiyaastii rubuc ka mid ah dadka ayaa wajahaya heerar gaajo ama ka sii daran.” Ayuu yiri Agaasimuhu.
Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri “Qoysasku wax walba way lumiyeen, qaar badana mar hore ayaa lagu riixay qarka. Haddii aan la helin taageero cunto oo degdeg ah, xaaladuhu si dhakhso ah ayay uga sii dari doonaan.”
Ross Smith ayaa sheegay in gargaarkii naf badbaadinta iyo nafaqeynta ee ay hay’addu ka bixineysay Somaliya uu joogsan karo toddobaadyo gudahood, sababo la xiriira dhaqaale yari.
WFP oo ah hay’adda ugu weyn ee bani’aadantinimo ee ka hawlgasha Somaliya ayaa mar horeba hoos u dhigtay gargaarkii ay ka bixin jirtay dalka, dhaqaale yaraan soo food saartay awgeed.
Dowladda Somaliya ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore ku dhawaaqday xaalad abaareed oo heer qaran ah, ka dib markii aysan dalka ka da’in dhowr xilli roobaad.
Xilliyo kala duwan oo roob yari ah ayaa sidoo kale xaalad ciriir ah ka abuuray dalalka kale ee gobolka qaarkood sida Jabuuti iyo Kenya.
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa 11-kii bishii January ka digtay in ku dhawaad shan milyan oo qof ay la nool yihiin gaajo daran.
Abaaraha soo noqnoqda ayaa wax joogta ah ka noqday dalka, iyadoona ay dadku la nool yihiin xaaladaha adag ee ka dhasha ee leh gaajada, cunno yarida, biyo la’aanta iyo barakaca baahsan.