Home Wararka Maanta Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya oo la kulmay Madaxweyne Deni

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya oo la kulmay Madaxweyne Deni

by Laacib

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan ayaa xalay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ku booqday hotelka uu ka degan yahay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda uu dalku marayo, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Puntland ee Facebook.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNTMIS ee James Swan uu madaxda ka yahay ayaan weli ka warbixin waxyaabaha kulanka looga hadlay, balse Hawlgalka Qaramada Midoobey ee Somaliya ayaa Isniintii Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ku booriyay inay yeeshaan wada hadalo dheeraad ah, oo si dhab ah ay go’aan uga gaarayaan is mari-waaga ka taagan nooca doorasho ee dalka laga qabanayo, ka dib wada hadaladii ay labada dhinac ku yeesheen Muqdisho ee Axaddii uu bilaa natiijada ku soo dhammaaday.

Beesha Caalamka oo Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku jiraan ayaa Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka tirsan Golaha Mustaqbalka ugu baaqay in tanaasul la sameeyo, si loo gaaro heshiis loo dhan yahay, dalkana ay uga qabsoomto doorasho wadar ogol ah.

Beesha Caalamka ayaa ka shaqeynaysa in labada dhinac ay dib u bilaabaan wada hadalada, si nooc uun doorasho ay dhinacyada ugu heshiiyaan.

Labada dhinacba waxay muujiyeen inay diyaar u yihiin in ay wada hadaladu sii socdaan, laakiin illaa iyo hadda uma muuqdaan kuwo si wadajir ah u raadinaya xalka loo baahan yahay, oo ah in tanaasul la helo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc