Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa caawa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ay dileen hoggaamiyaha ugu sarreya ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ka dib weeraradii ballaarnaa ee maanta ay iyaga iyo Mareykanka ka gaysteen dalkaasi.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay inay jiraan calaamado isa soo taraya oo muujinaya in hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran aanu noolayn.
Netanyahu ayaa tilmaamay in la beegsaday hoyga Khamenei ee Magaalada Tehran, sidoo kalena ay saaxada dagaalka ka saareen Taliyeyaasha Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iran iyo qaar ka mid ah khubarada Iraaniyiinta ee gacanta ku haya bacriminta uranium-ka.
“Waxaa jira calaamado badan oo muujinaya in daalimkaasi uusan sii joogin, waxaana meesha ka saarnay saraakiil sarsare oo ka tirsan Maamulka Ayatollah, Taliyeyaashii Ilaalada kacaanka, Madaxda Sare ee Barnaamijka Nuclear-ka.” Ayuu yiri Netanyahu.
Sawirrada ay dayax gacmeedyadu qaadeen ayaa muujinaya burbur soo gaaray xarunta Ayatollah Ali Khamenei ee Tehran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa galabta wareysi uu siiyay Warbaahinta NBC ku sheegay in inta uu ka warqabo uu hoggaamiyuhu nool yahay.
Esmaeil Baghaei, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa isna caawa sheegay in ay jiraan saraakiil reer Iran ah oo weeraradii Sabtidan ku dhintay, balse Khamenei iyo Madaxweyne Masoud Pezeshkian ay labaduba nool yihiin.
Lama maqlin codka Khamenei, tan iyo markii uu bilowday dagaalka.