Telefishinka Qaranka Iran ayaa xilligii saxuurka ka dib ku dhawaaqay in Ayatollah Ali Khamenei lagu dilay weerar ay gaysteen Mareykanka iyo Israel.
War laga sii daayay Telefishinka Dowladda Iran ayaa lagu sheegay in dalku uu geli doono 40 maalmood oo baroordiiq qaran ah.
Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii ugu sarreyay ee Iran ayaa la sheegay in lagu dilay weerar ay Mareykanka iyo Israel Sabtidii si wadajir ah uga fuliyeen magaala madaxda dalkaasi ee Tehran.
Wuxuu ahaa 86 jir, muddo tobanaan sano ah soo maamulayay dalkaasi.
Ciidamada Mareykanka iyo Israel ayaa weerar ballaaran oo xagga cirka ah ku qaaday guud ahaanba dalkaasi, kaasoo dhaliyay mowjado weeraro oo aargoosi ah oo Iran ay qaadday.
Dilka Khamenei ayaa ka dhigan in dagaalka uu sii socon doono, laga yaabaa in uu ka badan karo muddadii ay qorsheynayeen xulafada Mareykanka in uu socdo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa shalay sheegay in weerarada ka dhanka ah Iran ay sii wadi doonaan maalmaha soo socda.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku goodiyay in Mareykanka uu hawlgalkiisa hawada sii wadi doono toddobaadka oo dhan.
Trump ayaa sheegay in ay doonayaan inay bedelaan nidaamka muddada dheer ka arriminayay Iran.